Sida Looga Fogaado Jaceylka Beenta Ah Iyo Sida Loo Ogaado Qofka Kula Jilayo Jaceyl Been Ah..!!

Bulsha:- Waayahaan danbe waxaa wareer noqotay sidii uu qofka u kala garan lahaa qofka uu jaceyl yahay inuu jaceyl been ah ku mashquulinayo iyo inuu yahay jaceyl dhab ah, maadaama xiliyadaan danbe aay fudeed noqotay in qofka lagu yiraah waan kaa helay, waan ku jeclahay, I.W.M

Hadaba bahda Allsiyaasad.com waxey tooshka kugu ifineysaa sidii aad ku garan laheyd calaamadaha jaceylka beenta ah.

1 Hal maalin idiin ma gudbeyso illaa aad is khilaaftaan ama is dagaashaan 5 mar “lakin xusuusnoow lamaanaha dhabta isku jaceyl weey is dagaalaan lakin maalin walbo maahan iney mar walbo is dagaalaan waxaa ka xakameynayo xushmada iyo jaceyka ka dhaxeeyo lakin jaceylka beenta ahi maalintii 3 ugu yaraan waad is khilaafeysaan khilaafkaasna wuxuu noqonayaa erayo adiga lagugu liidayo”.

2 Hadii aad ka waayso maalintii ugu yaraan labo mar uu xaaladaada ku ogaanayo ama uusan kusoo wicin xattaa hal mar jaceylkaasi waa mid been ah “waayo qofka ku jeceyl xusuustiisa kama baxdid mar walbo uu kusooo xasuustana wuu kusoo wacayaa”.

3 Markaad la yaabto wakhtiyada firaaqada uu leeyahay halku ku bixiyaa ayadana waa calaamad kale waayo qofka ku jeceyl markuu firaaqo helaba wuxuu jaceyl yahay wakhtigaas inuu adiga kula qaato.

4 Qofka aadan naftaada ku haleyn Karin oo aadan ku kalsooneyn kuguna odhanayo waan ku jeclahay jaceylkiisu waa been waayo qofka jaceylka dhabta ahi haayo heer wuxuu ku gaarsiinayaa naftaada oo idil aad asaga ku haleyso, kuna aaminto.

5 Marka uu saaxiibadiis la joogo haduu dhaho gabadhan waa walashey ama saaxiibtinimo caadi ah ayaa naga dhaxeyso waa calaamad kale oo jaceylka beenta ah waayo xiligaas waxaa la doonayaa inuu jaceylkiisa cadeysto ee uu asxaabtiisa ku dhaho waa jaceylkeyga.
Waxaa jiro calaamado badan oo lagu garto jaceylka beenta ah balse aniga kalafoge ahaan intaas ayaan kusoo koobayaa adiguna akhristoow dhanka hoose noogu reeb calaamadaha aad isleedahay jaceylka beenta ah ayaad ku dareemi kartaaa.

Haduu ALLE idmo qormadaan waxaan ku xijin doonaa qormo ayadana ka turjumeyso side ayaad ugu fogaan kartaa jaceylka beenta ah markii aad xaqiiqsato in lagula jilayo jaceyl been ah…











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment