RW. Xasan Cali Khayre oo ku Wajahan New york & Yusuf Garaad oo ka hadlay Wixii uu Safarka kala kulmay (Warbixin)

Bulsha:- Waxaa magaalada Muqdisho ka baxay Wafdi uu hogaaminaayo Wasiirka Arrimaha dibadda Yuusuf Garaad Cumar, kuwaasi oo gaadhay Magaalada New York ee dalka Mareykanka, Waxayna Hordhac u yihiin wafdi magaalada Muqdisho uu ka hogaamin doono Ra’isul wasaaraha xukuumada Somalia Xasan Kheyre oo ka qeyb galo shirka Golaha Guud ee Qarammada Midoobay oo Madaxda Caalamku ay sannadkiiba mar isugu yimaadaan.
Yuusuf Garaad Cumar Wasiirka Arimaha Debeda ee Soomaaliya ayaa ka Warbixiyey Safarka iyo Waxyaabaha uu la Kulmay.

“Shalay subax oo aan Muqdisho ka soo amba baxay ka dib waxaan goor dhoweyd ka soo degey New York. Shirar isdaba joog ah ayaan midka ugu horreeya fariisan doonaa berri subax oo Axad ah.

Daalka saacadaha badan ee safarka ah waxaa ii wehliya in aan ku safray kuraasta ugu qiima jaban dayaaradda ee aan lahayn meel bannaan oo lugaha lagu fidsado, jiifna warkiiba daa.

Waxaan hordhac u ahay Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Kheyre oo isaga oo hoggaaminaya wafdi Wasiirro ka kooban Soomaaliya ku matali doona shirka Golaha Guud ee Qarammada Midoobay oo Madaxda Caalamku ay sannadkiiba mar isugu yimaadaan. Shirka Qarammada Midoobay waxaa wafdiga u wehliya shirar-doceedyo aan la yeelaneyno madaxda wufuudda dowladaha shirka ka soo qeyb gelaya qaarkood, Madax Mareykan ah, ururro caalami ah iyo xubno ka mid ah Soomaalida Mareykanka.

Danjire Abuukar Daahir Cusmaan iyo Maxamed – Rabiic oo ka tirsan Ergada Soomaalida ee Qarammada Midoobay ayaa si wanaahsan ii soo dhoweeyay.” Ayuu yidhi.









Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment