Raga Qaar ee Seexda Galmada Kadib oo Lag Ogaaday Sababta ka Danbeysa in ay Seexdan iyo Dumarka oo ku Dhiban

Bulsha:-  Waxa laga yaabaa in aad iswaydiinayso maxuu u seexanayaa, adiguna aad doonasyo in uu kula sheekaysto. Hore ayaa waxa in badan looga hadlay, loo qoray muhiimada ay leedahay isfahanka, isu soo dhawaanta, dhunkashada, iyo isa salaaxida inta aan galmada la bilaabin. Taas oo la odhan karo in ay tahay hordhaca ciyaarta, kadibna ay ku xigto howsha dheer ee is dhexgalka ee wada raaxaysig oo ayaduna ah marka raaxaysigu marayo meel dhexe. Ugu dambayntiina ay haboon tahay in wada raaxaysiga lagu dhameeyo gabagabo.

Hadaba xiliga raaxaysiga kadib ayaa lamaanaha midba si dareemaa, mid ayaa hurdo qabataa midna waxa uu jecel yahay in uu soo jeedo. Hadii aan arintaa laga wada hadal oo meel si wax loo wada dhigina waxa ay keein kartaa isku dhec iyo xanaaq ka dhex dhasha lamaanaha, kuna dambayn karta kala tag, waa sida uu uu qabo,e aqoon yahanka maraykanka ah, ee cilmi baadhaha ka ah University of Michigan School of Public Health, lana yiraahdo Daniel Kruger.
” Kadib xiliga ay lamaanuhu wada raaxaysteen ayaa ah waqti muhiim ah oo kor u qaadaya xidhiidhkooda oo xoojinaya isu soo dhawaanshahooda. Sababaha ay muhiim u tahay in lamaanahu daneeyaan wada hadalka raaxada ka dib ayaa ah jirkeena oo soo daaya dheecaan la yiraahdo oxytocin, dheecaankan oo ka dhigaya lamaanaha kuwo dareemayo in ay isa siiyaan kalgacayl dareen leh” ayuu yidhi Daniel Kruger.

Kurger ayaa waxa uu daraasadan ku sameeyay lamaanayaal tiradoodu ay dhamayd 450, kuwaas oo ahaa lamaanayaal aad ufirfircoon marka ay tahay dhinaca wada raaxaysiga. Waxa uu baadhitaanka ku ogaaday in lamaanayaasha soo jeeda marka ay la raaxaystaan lamaanahooda ay dhibsadaan marka ka kale uu hore ka gam’o. Guud ahaan waxa hore ka lulooday ragii la raaxaystay lamaanahooda, inkasta oo ay jireen hablo ayaguna ka hor lulooday ragoodii. Xiliyadii ay lamaanaha haweenka ahaa ay ka hor lu’loodeen lamaanahoodii ayaa waxa ragii rajeeyeen in ay lamaanahoodu ahaan lahaayeen kuwo soo jeeda iyo wada hadal fiican.

Aqoonyahanka Kruger ayaa waxa uu aaminsan yahay in faraqa u dhexeeya raga iyo dumarka ee ah rabitaanka in mid ka mid ah lamaanuha uu rabo in uu seexdo aya sabab u tahay arimo biologi ah. Sababhaas oo kala ah in ay tahay haweenaydu mid loo abuuray in ay uur qaado oo ilmoha koriso, halka ninkuna uu xooga saarayo sidii uu u uurayn lahaa lamaanahiisa.

Rabitaanka ay haweenaydu rabto in ay la jiifto ninka kadib xiliga ay wada raaxaysteen ayaa waxa dhici karta in ay rabto in uu ninkeedu raadsan naag kale. Iyo seexashada uu ninku si dhaqso ah u seexanayo ayaa ayaduna waxa ugu wacan in aanu ninku rabin in uu la yeesho wax wada hadal ah lamaanihiisa oo ku saabsan 












Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment