Maxkamadda Ciidanka oo sheegtay in aan la dilin Karin dadka lagu eedeynayo Al-shabaabnimada

Bulsha:-  Guddoomiyaha Makxamadda darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka sida Xasan Cali Nuur SHuute,ayaa sheegay in Gobolka Bakool ay ka soo dhiseen laamo maxkamadda hoostaga islamarkaana la socda kiisaska ka dhaca Gobolkaas.

Arrintan waxaa ay timid kaddib markii Ciidamo ka tirsan Dolwadda ay dhawaan duleedka Xuddur ku dileen Haweeney ay sheegeen in ay ka tirsaneynd Al-shabaab.

Falakas waxaa uu khilaaf ka dhex abuuray Maamulka Gobolka Bakool iyo Saraakiisha Ciidamada dowladda ee jooga Gobolka Bakool,waxaana ay gaartay in ay warbaahinta isaga jawaabaan.

Wafddi uu hoggaaminayay Xasan Cali Nuur shuute ayaa maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa Gobolka Bakool,waxaana go’aannada ay soo saareen ka mid ah in qofka ka tirsan Al-shabab ee la qabto xitaa isaga oo hub wata aan la delin Karin,islamarkaana ay tahay in lagu simo gacanta Makxmaadda Ciidamad qalabka ee Soomaaliya.

Shuute ayaa sheegay in gobolka Bakool ay ku soo arkeen dad jecel dowladnimada islamarkaana dagaal adaga kula jira Al-shabaab sida uu hadalka u dhigay.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment