Maxkamad ku taala Holland oo ku amartey Daahir Calasow in uu magdhaw siiyo Wasiir Yariisow

Bulsha:- Daahir Calasow oo ah Soomaali deggan dalka Holland ahna shakhsi inta badan dhaliya muran iyo dood (controversial person), ayaa dacwad ku soo oogay dhamaadkii bishii hore Wasiirka Warfaafinta iyo hanuuninta Jamhuuriyadda federaaliga ah Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Inj. Yariisow).

Daahir Calasow ayaa ku dacweeyey wasiirka in markii uu socdey kiiskii Dahabshiil iyo Daahir Caslasow uu Inj. Yariisow qoray qoraal Dahabshiil ku darsatey dacwadeeda kaas oo la xiriiray in Daahir Calasow yahay qof dadka handada oo khasba iskuna daya in sidaas lacag uga qaado, qoraalkaas ayuuna kiiska dacwadda u furtey, sida uu isagu sheegay.

Maxkamad ku taala magaalada Amestardam ee dalka Holland ayaa go’aan ka gaartey dacwadda, waxaana ay ka dhigtey mid aan waxba ka jirin, sidoo kale waxay Calasow ku xukuntey in uu bixiyo kharashkii dacwadda uga baxay Wasiirka Warfaafinta.


War ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu sheegay in maxkamaddu ay ku xukuntey Daahir Calasow in uu bixiyo magdhaw gaara 1,699€ taas oo siinayo Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Cabdiraxmaan Cumar Yariisow, lacgataas ayaa ah magdhowgii kharashka Maxkamadda uga baxay.

Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Wasiirka Warfaafinta oo ka hadley go’aanka Maxkamadda ayaa sheegay in uu soo dhaweynayo, go’aanka maxkamadda ayna caddeyn u tahay in xornimada saxaafadda iyo madax banaanideeda aysan meel uga jirin hanjabaad iyo khasab in lacag la isaga qaado.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment