Madaxweynaha Maamulka Somalida Itoobiya oo Sii Huriyay Arinta Qalbi Dhagax (VIDEO)

Bulsha:- Madaxweynaha maamulka Soomaalida deegaanka Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar (Cabdi Ilay) ayaa Wareysi uu bixiyay waxa uu kaga hadlay Xiisada siyaasadeed ee ka dhalatay Sargaalka katirsanaa Jabhadda ONLF ee lagu Wareejiyay dowlada dalka Itoobiya.



Waxa kale oo uu Madaxweynaha dowlada Deegaanka Soomaalida Itoobiya sheegay in C/kariin Sheekh Muuse (Qalbi Dhagax) uu yahay muwaadin kasoo jeeda Deegaanka Soomaalida Itoobiya, waxa uuna tilmaamay in dambi uu ka galay deegaankiisa, arintiisana ay u taalo Dastuurka dalka Itoobiya.

Cabdi Maxamuud Cumar ayaa ku eedeeyay dadka siyaabaha kala duwan uga hadlay arinta (Qalbi Dhagax) inay yihiin kuwa doonaya inay soo laabtaan kooxda Al Shabaab, halka kuwa kalena uu ku tilmaamay in ay ku doonayaan inay wax ku helaan.

Wareejinta Sarkaalka ka tirsanaa ururka ONLF ayaa gudaha Soomaaliya iyo Deegaanada ay dadka Soomaalida ahi degaan ka dhalisay xamaasad siyaasadeed oo culays saartay dowladda madaxweyne Farmaajo.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment