Guddoomiyaha Gobolka BANAADIR oo dhagax dhigay wadada Jeneraal Daa’ud Iyo Fariin Ciidanka

Bulsha:-  Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Taabid Cabdi Maxamed ayaa saaka dhagax dhigay Wadada Jeneraal Daa’uud oo isku xirta Taalada Daljirka Dahsoon illaa Wadada Sodonka.

Guddoomiye Taabid ayaa sheegay in maamulkiisa uu dhisi doono wadadan iyo dhamaan waddooyinka kale ee bur buray ee ku yaalla magaalada Muqdisho.

Mashruucan ayaa qeyb ka ah mashaariic uu hirgelinayo Maamulka Gobolka Banaadir oo ku saabsan dhismayaasha waddooyinka bur buray.

Sidoo kale Maamulka Gobolka Banaadir ayaa xilligan wada dhismaha wadada 30-ka oo ah wado halbowle u ah isku xirka degmooyin dhowr ah oo ka tirsan Gobolka Banaadir, Wuxuuna Ciidamada amaanka ugu baaqay in ay Maamulka Gobolka kala shaqeeyaan hagaajinta bilicda Caasimada.

Wadada Jeneraal Daa’uud ayaa waxaa sanadkii 2012 dhagax dhigay Madaxweynihii dowladdii KMG aheyd Sheekh Shariif, iyadoo xilligaas Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Ingiriiska ay gacan ka geysaneysay dhismaha wadadan, iyadoo u wakiilatay Telefishinka Universal, hase ahaatee mashruucaas ayaa noqday mid fashilmay oo aan hirgelin, lamana oga halka ku baxeen lacagihii laga soo uruuriyay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Ingiriiska.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment