Dhacdo naadir ah oo ka dhacday degmadda Warta Nabadda (Zeynab Xaabsey iyo qoys dab qabsaday gurigoooda)

Bulsha:-  Muqdisho iney is badashay waxaa laga garan karaa ficiladda madaxdeeda cusub, shacabka degmadda Warta Nabadda waxa ay asbuucii hore arkeen wax ka duwan wixii ay barteen.

Madax iyo shacab wada hadla, madax shacabka dhibka la qeybsata iyo kuwa hantidooda shaqsiga ah ku caawiya waxa ay aheyd wax ku cusub Mr Cilmi iyo Qoyskiisa oo dhowaan ku hanti beelay dab ka kacay gurigoooda oo ku yaala waaxdda 4aad ee degmadda Warta Nabadda gaar ahaan laanta Cali Kamiin.

Dab koranto ka kacay ayaa qabsaday guri Filo ahaa oo ay Cilmi iyo qoyskiisu daganaayeen, dabku wuu xooganaa mana aheyn mid ay damintiisa ku filan yihiin dadka xaafadda taasoo sababtay iney is weydiyaan cidda caawin karta, durba waxa kusoo dhacay iney wacaan gudoomiyaha degmadda Warta Nabadda Zeynab Xaabsey.

Zeynab oo maamusha degmo ay markeedii hore macaamiil taqaanay ayaan kasoo daahin guriga Dabku qabsaday waxaana ay amartay gaadiidka dab-damiska ee gobalka Banaadir kuwaas oo iyaguna ka jawaabay baahidaas waxaana lagu guuleystay in dabkaas la damiyo oo uusan faafin inkastoo dhamaan wixii agab ku jiray qolalka guriga ay dambas noqdeen oo aan la bad baadin.

Intaas kadib waxaa laga yaabaa iney kugu soo dhacdo in howshii dhamaatay oo la kala tagay madaama dabkii la damiyay ,laakiin waxa ugu muhiimsan sheekadan waa fal celintii dabka kadib ay sameysay gudoomiye Zeynab.

“Waxaa noo timid gudoomiye Zeynab ,waxey tiri waxaan rabaa inaan qiimeeyo dhibka idin soo gaaray, qasaarihii ayaa la qiimeeyay waana naga tagtay, maalinkii xigay ayey noo timid iyadoo wada dhamaan alaabtii naga gubatay, aadbaan uga qiirooday sidda ay isaga xil saartay dhibka nasoo gaaray, horey uma arag xaaladd nuucaan ah intaan halkaan daganaa ayuu yiri Cilmi.

“Waxey dadkii la socday gudoomiyaha noo sheegeen iney qarashka oo dhan jeebkeeda ka bixisay iyadoo aan cidna la kaashan, waxaan aniga iyo dariskeygu ka marqaati kaceynaa naxariista iyo xilkasnimadda gudoomiye Zeynab Xaabsey ayuu hadalkiisa ku daray.

Markii aan helay xogtaan waxan la xiriiray gudoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa magaaladda Muqdisho Taabit Cabdi oo aan weydiiyay dhacdadaan nagu cusub iyo waxa uu kala socdo fal-celinta wanaagsan ee Zeynab Xaabsey oo ka mid ah xubnihii uu soo magaacay.

Mr Taabit waxaa uu sheegay iney arintaan soo gaartay uuna uga mahad celiyay Zeynab shaqadda wanaagsan ee ay qabatay iyo inuu u balan qaaday in qarashaadkii ay jeebkeeda ka bixisay uu maamulka gobalka Banaadir dib ugu celin doono uuna hadaba amray in lacagtaas gudoomiye Zeynab dib loogu celiyo si qof kale oo dhiban ay ugu caawiso.

Shacabka reer Muqdisho ayaa u muuqda kuwa u diyaar ah iney toos ula fal-galaan maamulka cusub ee gobalka Banaadir xili hogaanka cusub uu isna muujinaayo dadaal iyo biseyl dheeri ah.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment