David Maraga: Garsooraha Kenya ee Taariikhda Afrika galay

Bulsha:-   Gudoomiyaha maxkamadda ugu sareysa ee Kenya David Maraga, iyo seddax ka mid ah garsoorayaasha, waxay sameeyeen arrin taariikhi ah, ka dib markii ay doorashadii ka dhacay Kenya bishii August ay ku tilmaameen mid aan waxba ka jirin.

Mucaaradka ayaa soo dhoweeyay arrintaas, laakiin madaxweynaha iyo xisbigiisa waxay go'aanka ku tilmaameen mid "afgembi dhanka garsoorka ah".

Hadallo u muuqday hanjabaad ayaa madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa ay ka jeediyeen fagaarayaal kala duwan. Balse hadalladaas ayaa si wayn loo dhaliilay.
Waaxda cadaaladda ayaa ka madaxbanaan xafiiska madaxweynaha iyo qeybta fulinta. Maraga oo shir jaraa'id qabtay ayaa sheegay "inuu u dhimanayo difaaca sharciga Kenya".

Go'aankii garsoorayaasha wuxuu ahaa mid lama filaan ah oo aan horey uga dhicin Afrika. Waa markii ugu horeysay oo mucaarad ay ku guuleystaan kiis maxkamadeed oo ka dhan ah madaxweyne xilka haya.

Dunida oo dhanna, waxay ahayd markii afaraad oo ay ka dhacdo in maxkamad ay xukunto in doorashada madaxweyne lagu noqdo.

Dad badan oo Kenya iyo Afrika ku nool ayaa ammaanay go'aankaas, waxayna ku tilmaameen in kalsoonida waaxda cadaaladda ay soo celisay.

Xilligii uu u tartamayay shaqada hadda uu hayo wuxuu dadkii wareysanayay u sheegay in uusan weligii qaadan laaluush

Si lama filaan ah ayuu xilligaasi uga yaabiyay dad badan, ka dib markii uu istaagay kuna dhaartay in uusan laaluush qaadan doonin inta uu nool yahay.
'Ma ahan mashruuc dowladeed'

Garsoorayaasha maxkamadda ugu sareysa ee KenyaLahaanshaha sawirkaEPA
Image caption

Laba garsoore ayaa ka soo horjeestay go'aanka maxkamadda ee natiijada doorashada ay ka gaartay

Garsoore Maraga, oo 66-sano jir ah, ayaa jaamacadda sharciga ka qalin-jebiyay 40 sano ka hor, ka dib ayuu billaabay in uu ka shaqeeyo arrimaha sharciga iyo maxkamadaha.

Wuxuu garsoore maxkamadeed noqday 2003-dii, ka dib wuxuu ku biiray maxkamadda racfaanka 2012-kii.

Waa xaasle, wuxuuna dhalay seddax caruur ah.
Sanadkii tagay ayuu 10 garsoorayaal kale uga guuleystay tartan ay u galeen shaqada garsooraha ugu sarreeyo maxkamadda ugu sareysa ee Kenya.
Laakiin, horraantii sanadkan waxaa lala xiriiriyay ninka u magacaabay shaqada oo ah madaxweyne Uhuru Kenyatta.

Mr Kenyatta, xilligii uu ololaha u tagay magaalada uu ka soo jeedo Maraga, wuxuu dadka u sheegay in ay u codeeyaan maadaama "wiilkooda uu shaqo siiyay".
Balse Garsoore Maraga iyo waaxda cadaalladda waxay sheegeen "in uusan ahayn mashruuc dowlad ay sameysatay".

Madaxweyne Kenyatta ayaa xilli hore sheegay in uu u hogaansami doono haddii maxkamadda ay go'aamiso in doorashada lagu noqdo.

Hase yeeshee, hadda wuxuu su'aal gelinayaa "sbabta lix qof ay u diideen waxa ay rabaan malaayiin qof oo shacabka Kenya ka mid ah".
Sidoo kale, wuxuu dhowaan sheegay in "ajaaniib iyo doqomo kale ay lacag siiyeen" garsoorayaasha maxkamadda.

"Maraga iyo burcadiisa waxay diideen doorashada. Hadda ma ahi madaxweynaha la doortay. waxaan ahay madaxweynaha rasmiga ah. Maraga waa in uu ogaadaa in uu hadda la shaqeynaayo madaxweynaha shaqada haya," ayuu yiri Kenyatta.

Inkastoo uu handadaad badan jeediyay Uhuru Kenyatta, hadana ma awoodo in uu shaqada ka ceyriyo garsoore David Maraga, kaas oo shaqadiisa ay dhammaaneyso markuu 70 sano gaaro.





\bbc




Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment