Daaawo Sawiro aduunka oo dhan ka yaabiyay oo lagasoo qaaday Xajka iyo nin iyo xaaskiisa oo

Bulsha:- Muuqaal uu qaaday sawir-qaade ka mid ahaa saxafiyiinta joogay xajkii sanadkan ayaa qabsaday baraha bulshada, kaasoo muujinaya haweeney ka mid ahayd dadkii xajinayay oo saygeeda hoos u noqotay xilli uu tukunayay.

Waxay ahayd maalintii 9aad ee Xajka MAALINTA CARAFA la taagnaa, marka uma maleyn sawirqaade Raa’id Alxayaani in sawirkan uu qaaday uu noqon doono mid caan baxa oo dunida oo dhan ay hadal heyso.
Sawirkan wuxuu noqday mid caan baxay oo Milyan jeer dunida la is weydaarsaday, gabayo badan laga soo tiriyay, isla markaana dad badan qalbiyadooda gilgilay oo raxmad jaceyl iyo naxariis geliyay.

Sawirqaadaha ayaa sheegay in in maalintii Carafa si lama filaan ah isagoo ku sugan Xaramka uu arkay haweeney taagan oo saygeeda hoos uga noqoneysa qoraxda kulul, isaguna uu tukanayo, marka hore ee sawirka aad aragto waxaa moodeysaa inay taagan tahay oo ay sugeyso, laakiin, markii loo fiirsaday salaadii ninka ee rukuuca iyo sujuudka wuxuu arkayaa in haweeneyda ay hooskeeda la raacraacday dhinac kastoo uu u dhaqaaqo intii uu salaada ku jiray, xaalad kastana ay hoos siineysay.

 

Sawir-qaadaha oo meel sare arrintan kala socday, markaasina uu xaqiiqsaday in xaaladdan ay tahay mid cajiib ah oo mudan in xusuus laga reebo, iyadoo ay taabatay qalbigiisa in xaalad caadi ah aanay ahayn, laakiin aanu fileyn inay xaaladu gaari doonto malaayiin qof inay isu diraan.

Ninka sawirkan laga qaaday oo cabsi laga qabay ayaa isna ka mahad celiyay sawirka laga qaaday isagoo sheegay haddii aanu muujineynin raxmad iyo kalsooni ka dhaxeysa labada ruux is qaba inaysan xaaladdaas sameyn karin laheyn.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment