Ciidanka Kenya oo dab qabadsiiyay saldhiggii ay ka guureen ee Baardheere

Bulsha:- Wararka naga soo gaarayo Gobolka Gedo ayaa sheegaya in Ciidamada Kenya ee joogay degmada Baardheere ay saakay ka baxeen halkaasi islamarkaana ay u ruqaansadeen dhinaca dalkooda Kenya.

Korneel Guhaad Maxamuud Cumar Tima jilicoo  mid ah Saraakiisha Ciidamada Dowladda Soomaaliya ee jooga Baardheere ayaa u xaqiijiyay Warbaahinta in Ciidanka Kenya ay ka baxeen Baardheere islamarkaana ay ku baxeen Waddada Ceelwaaq.

Ciidamada ayaa baneeyay Saldhigyada Baardheere,waxaana uu sarkaalkaas sheegayaa in Ciidanka Kenya ay saldhiggii ay ka baxeen ay Gubeen oo ay dab qabadsiiyeen,waxaana uu ku eedeeyay in Kenya ay hubkeedii u gacan gelisay Al-shabaab.

Ciidamada dowladda Soomaaliya ee la socday ayuu sheegay in ay qaarkood raaceen,waxaana uu xusay in meelaha qaar ay shidaalkii iyo Raashiinkii dab qabadsiiyeen iyaguna arkeen olol ka baxaya saldhigyadii ay ka guureen Ciidanka Kenya.

Warar kale oo aan heleyno ayaa sheegaya in Ciidamada Kenya ay qorsheynayaan iney ka baxaan meelo kale oo ka tirsan Gobolada Jubbooyinka.
Guddoomiye ku xigeenka degmada Baardheere Ismaaciil Sheekh Cabdi Qorax ayaa u sheegay Idaacadda Goobjoog, in ciidankaan ay aadeen dhanka dalkooda Kenya.

Waxa uu guddoomiye ku xigeenka tilmaamay in hadda amniga degmada Baardheere ay gacanta ku hayaan ciidanka dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiya, islamarkaana ka bixitaanka ciidanka Kenya ee degmadaasi aanay saameyn ku yeelan doonin.

Shacabka ku dhaqan degmada Baardheera ayaa aad u hadal haya ciidanka Kenya ee isaga baxay degmadaasi, iyadoo aan la ogeyn sababta ay ciidankaan halkaasi uga baxeen.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment