Baarlamaanka Galmudug oo Xilkii ka Qaaday Madaxweynihii Galmudug

Bulsha:- Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Galmudug ayaa goor dhow degmada Cadaado kaga dhawaaqay inay xilka ka qaadeen Madaxweynaha maamulkaas Axmed Ducaale Geelle Xaaf.

Sida ay sheegayaan wararka Xildhibaanada oo ku shiray mid ka mid ah Hotelada Cadaado ayaa sheegay in 52 Xildhibaan ay xilka ka qaaday Madaxweyne Xaaf.

Wararka ayaa sheegaya in Xildhibaanada oo aanay wehlin Guddoonka Baarlamaanka, iyagoo sheegay inay iska dhex doorteen Guddoomiye, kaddibna ay xilka ka qaadeen.

Axmed Yuusuf Ciyow oo si KMG ah ay ugu doorteen Guddoomiye ayaa ku dhawaaqay natiijada, waxaa uu sheegay in 52 Xildhibaan ay u codeeyeen inay kalsoonida kala laabteen Madaxweyne Xaaf, halka labo ay diiday, hal Xildhibaan uu ka aamusay.

Goor sii horeysay Xildhibaano ka tirsan Galmudug ayaa sheegay inay mooshin ka keeneen Guddoomiyaha Baarlamaanka Cali Gacal Casir oo xabsi guri ku ah Madaxtooyada Cadaado.

Tan iyo markii Madaxweynaha Galmudug uu ku dhawaaqay inuu taageersan yahay Isbaheysiga Sacuudiga iyo Imaaraadka, isla markaana ka soo horjeestay go’aanka dowladda Federaalka dhex dhexaadka uga qaadatay xiisada Khaliijka, ayaa waxaa isa soo taraya khilaafka ka dhex aloosan Madaxda sare ee Maamulka Galmudug oo ku kala qeybsamay arrintaas.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment