Akhriso: Fadeexadihii Ugu Xumaa Ee Bollywood-ka Ka Dhacayday Sunny Leone Iyo Markii Lasoo Hunguriyeeyay!!

Bulsha:- Markaan waxaan ka faaloon doonaa atirishada caanka ah Sunny Leone iyo markii la hunguriyeeyay waxaana damcay filim sameeye caan ah.

Inkastoo Sunny Leone ay ahaan jirtay Porn Star ama xidig sameyn jirtay filimada qaawanaanta ee reer Galbeed-ka caan ku yihiin, hadana xidigtaan gudaha Hindiya marka ay timid hawlahaas wey ka tanaasushay.

Sunny Leone oo baasboor Canada ah heesato waxay Mumbai u timid si ay Bollywood-ka kaga mid noqoto sidoo kalena shaqo cusub u bilaawdo.

Xidigtaan Bollywood-ka soo dhaweyn wacan kama helin jilaa kasto oo caan ah ama filim sameeye kasto oo caan ah wuxuu diiday inuu Sunny Leone la shaqeeyo.

Ugu dambeyntii reer Bhatt aya Sunny Leone garab siiyeen waxayna kusoo caan baxday filimkii Jism 2 ee iska laheyd Pooja Bhatt oo sanadii 2012 soo baxay.

Waa Maxay Gabood Falka Sunny Leone Loo Geestay:

Filim soo saare ama maal galiye caan ah ayaa Sunny Leone ka dalbaday inuu gogol dhaaf la sameeyo kadibna u dhiiban doono filimo badan ee uu isaga iska leeyahay.

Sunny Leone wey ka diiday dalabkii filim soo saaraha weydiistay oo ahaa inay hal habeen la seexato madaama ay ahan jirtay xidig filimada qaawanaanta ah sameyso!
Waxaa la yaab ah filim soo saarahaas uusan Sunny Leone sidaas kaga harin uu xitaa la kulmey iyada iyo seygeeda Daniel Weber wuxuuna ka dalbaday in xaaskiisa hal habeen la seexato kadibna uu garab ka siin doono inay atoorayaasha caanka ah la shaqeyn doonto!

Sunny Leone iyo seygeeda Daniel Weber isku mowqif ayay noqdeen waxayna ku gacan seereen dalabkii uu filim soo saarahaas usoo jeediyay.

Sunny Leone iyo seygeeda waxay wada qabteen shir jaraa’id oo ay fadeexadaan daaha kaga qaadeen balse waxay diideen inay filim soo sarahaas magaciisa banaanka soo dhigaan!

Waxaa la yaab ah Sunny Leone dhaqan xumo ayay dadka Hindiga ah ku naceen laakiin ka waran qofka ka dalbaday gogol dhaaf hal habeen ah kadibna u bandhigay inuu caawin doono awoodeeda dhanka Bollywood-ka!

Maanta Sunny Leone waa atirisho Bollywood-ka laga aqbalay inkastoo atoorayaasha waa weyn aysan la shaqeynin hadana waxay heshay shirkado kala duwan oo ay filimada u sameyso.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment