Xog Rasmi Ah: Maxaa Sabab U Ah In Ragga Soomaaliyeed Aay Inkiraan Xaaskooda ayagoo Sameynayo Tallaabooyinkaan..

Bulsha:- Arrin ay raggu ku doodaan ayaa keentay in sawir laga bixiyo oo tilmaam ahaanna lala meel dhigo in ay inkiraan xaaskooda kolka ay doonayaan in u shukaansi tagaan Haweenka, su’aasha ayaa noqoneysa waxa kalifa in ay raggu ay dantooda ku daboolaan been oo ah xaasle ma ahi

Dumarka ayaa aaminsan in ay raggu ku keli ahaadaan oo 83% waxaa la xaqiijayay in ay ka cararan raga xaaslaha ah taasi ayaa fududeyneysa waa dooda ay qabaan qaar ka mid ah raga iyo maahmaahda ah haweenka been ayaa lagu soo xero geliyaa waxaase lagu dhaqaa run.

Ragga dhankooda ayaa ah halka ay ka jirto jahwareerka iyo kala qarinta isla guursiga dhowr hablood taasi oo keenta in ay ka dhashaan dagaal mudo dheer socdo amase in ugu danbeyn ay timaado kala tag furiin ah.

Farqiga u dhaxeeya kala duwanaanta ka been sheegida xaqiiqda jirta ayaa fududeyneyso in haddii aad sheegto runta xaalku uu noqon doono ciida oo afka laguu daro, beentase waxaa fursad siineysaa in lagu naas nuujiyo, ya yeeshee been fakatay run ma gaadho haddii aad ka laba qalbiyeeyso in aad wadciga jira dhan kale u rogto waxaad ku tashadaa in aad kala dooroto laba midkood in aad furto xaaskaagii hore oo macquul ay tahay in ciyaal kuu heyso kuna masaruufta weliba masruuf joogto ah iyo in aad qalbiga ka jebiso gabadha niyeysatay in ay nolosha kula wadaagto oo asbuuc kadib niyad jab soo food saarto kuna adkaan doonto sida ay isku bari laheyd in ay la’aantaada noolaato.
Gunaanudka ayaa noqonaya in raggu ay dumarka ay sheeko wadaag yihiin isaga sheegaan runta, dumarkana ay la yimaadaan aqbalka haddii ay si dhab ah ay u jecel yihiin qofkaas runta qirtay oo taasi ay marqaati u tahay ficnaanta bini’aadanimo.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment