Blogger Widgets

Waqtiga galmada hadii aad farsamadaan sameeysid Afar cudur ayaad ka bad baadeysaa

Bulsha:- Baaritaano ayaa muujinaya in sameynta kulanka macaan ee sariirta in labada dhinac ay u tahay caafimaad iyadoo hadii si nidaamsan loo sameeyo ay leedahay faa`idooyin badan , sidoo kale waxa ay labada lamaane siineysaa tamar aad u xooggan .



Hurdo Yarida : waa kaniiniga hurdada oo kale oo haddii ay hurdada kugu yartahay kulanka macaanka ee naxariista leh aad ayuu ugu fiican yahay sido kale waxa uu yareeyaa cadaadiska dhiiga iyo neerfoosnimada , sidoo kale wel welka iyo niyad jabka ayay ka fogaaneysaa .

In Kulanka oo todobaadkii sedex jeer la sameeya waxa ay xoojineysaa difaaca jirka gaar ahaan haweenka iyadoo haweenka hela kulanka mudadaas waxa ay aad uga yar yihiin hawenka kale ee aan helin in uu ku dhaco xanuunada qaboow(koolba aariyo) hergabka sidoo kale waxa uu sara qaadaa wareegga dhiigga halka ay yareeyso xanuunadada qalbiga iyo maskax xinjiroowga .

Jirka Ayuu Aad Ugu Fiican Yahay : sameynta kulanka macaan qaab habeysan iyo waqti ku haboon waxa uu jirka siinayaa muuqaal qurxoon iyadoo uu jirka ka gubayo in badan oo tamar ah muddo kooban , waxa ay bahda iftineducation.com ku leeyihiin ciyaarta sariirta waxa ay u dhigantaa nooc ka mid ah ciyaaraha ee la dhaq dhaqaajiyo murqaha , dhab ahaantii kullamaa aad sameeyso ciyaarta sariirta waxaad heleysaa waji qurxoon oo dhal dhalaalaya maalintaas waa laga dareemayaa in aad xalay soo buneystay .
Lafaha Ayuu U Roon Yahay : gaar ahaan hawenka waxa uu ka ilaaliyaa lafa jileeca waana ,faa`idada ugu muhiimsan ee ku jirta ciyaarta sarirta iftineducation.com ayaa ku sheegeysa in inta lagu jiro kulanka sarirta in jirka haweeneyda uu so daayo hormone-ka ah ESTROGENI kaas oo ka hor taga lafaha oo jileec noqda .










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Brothers Group

This is a short description in the author block about the author. You edit it by entering text in the "Biographical Info" field in the user admin panel.
    Blogger Comment
    Facebook Comment