Sheeko Gaaban: Ku Mooday Noqonse Wayday!!! W/Q: Qadan Mahad Yuusuf

Bulsha:- Haddii Alle ii oggolaado, halkan waxaan doonayaa inaan ku soo gudbiyo qiso dhab ah oo igu dhacday, taa oo dareen xoog badan igu yeelatay.

Waxaan ahay gabadh da’ yar oo Soomaaliyeed, oo ku dhalatay kuna barbaartay degmada Laascaanood, magaceeduna yahay Qadan Mahad Yuusuf, kana gaadhay waxbarashada ilaa dugsi dhexe.

Sida ay dhallinyaradu u badan tahay, way ka tegaan meesha ay ku barbaareen, iyaga oo raba isbeddel nololeed oo cusub—qaar tahriiba iyo qaar gobol kale tagaba. Anigu, waxa aan tegay Gobolka Nugaal, caasimaddiisa Garoowe, halkaas ayaana ka shaqo bilaabay.

Gabadh aan saaxiibo nahay, ayaa waxay i bartay wiil magaciisu uu yahay Cabdirisaaq Jookar, oo degganaa magaalada Boosaaso. Muddo sannad iyo badh ah ayaan ku sheekaysannay telefoon. Ismaanan arag, laakiin si fiican baannu isaga barannay hawada . . . sidii aan is lahayn. Waxaan ku ballannay inaan is guursanno. Hal habeen baan is aragnay. Waxaan ku heshiinnay inaan is mehersanno oo uu aabbahay iga doono. Habeenkii labaad ee aan is aragnayna, waa la ii meheriyay.

Murti baa sheegta: Qofkii degdeg loo guursado, degdeg baa loo furaa! Haddii qofkaad guursanayso sidii cuntada loo dhadhamin lahaa, cusbada ayaa ku badan ama ka yar, xawaajiga ayaa ku badan ama ka yar, toon ma laha, iyo wax la mid ah la odhan lahaa . . . alla fiicnaan lahaydaa! Calafse waa halkiisee!

Kolkii uu meherku dhacay, waxaan ku noqday Sool, isaguna wuxuu galay diyaargarow. Muddo sagaal bilood ah ayaannu kala maqnayn. Ka dib waxaannu ku aqalgalnay magaalada Boosaaso. Waxaan degganayn muddo ka yar sannad, ka dibna wuxuu tegay Mosambiik, oo ku taalla Afrikada Dhexe.

Waxaan dhalay wiil, wuuna saqiiray. Markii uu sannad iyo sagaal bilood uu maqnaa, baan ka daba tegay—afar bilood ayaan la joogay Mosambiik. Waan ka soo noqday, iyada oo sababtu ahayd inaan ku xanuunsaday, maadaama uurkii labaad aan qaaday. Shan bilood ka dib, buu Boosaaso iigu yimid. Xidhidhkayagu aad buu u fiicnaa. Isaga oo ila jooga, ayaan wiilkii labaad dhalay, wuuna saqiiray. Wixii muddadaas ka dambeeyay, xidhiidhkayagii wuu xumaaday, isaga oo cay iyo aflagaaddo badan aan kala kulmayay.

Xidhiidhkayagu ha xumaadee, laakiin xidhiidhka aniga iyo reerkooda ayaa aad iyo aad u fiicnaa. Isaga waxaa dhashay hooyo boqolkiiba boqol aad iyo aad u qaali ah. Waxay dhashay shan wiil. Gabadh may lahayn. Waxay iga dhigatay gabadheedii. Aniguna aad iyo aad baan reerkaa u qiimayn jiray. Wayna i xaqdhawri jireen. Iyagaana inta badan isu kaaya maslixi jiray.

Maalinba maalinta ka dambaysa, xidhiidhkayagu wuu sii xumaanayay, laakiin biilka wuu soo diri jiray. Waxaan gaadhay heer aan anigu waco, oo aan raadiyo. Markii ay reerkoodu la hadlaan, oo ku dhahaan: Maxaa aad gabadha ula hadli wayday? wuxuu ku dhihi jiray: Aniga iyo iyada hawshayada ka baxa; annaga ayay noo taallaaye. Wuxuu gaadhay inuu telefoonkiisii iga qaban waayo, ka dibna uu beddesho. Waxaan ku daalaba, waxaan ka soo heli jiray meelo kale. Kolkaas cay iyo hanjabaad baan kala kulmi jiray!

Xumaantadu markay gaadhay muddo saddex sanno ah, markaan anigu samro oo aan isku dayo wanaag inaan ka shaqeeyo, ayuu isagii xumaantii sii wadwadaa. Reerkoodii way nagu dhex daaleen. Kolkaas ayaan ogaaday inuu ninkaas isbeddelay.

Maadaama aan yaraan kaga tegay waxbarashada, waxaan isku dayay inaan is dhiso oo aan wax barto, oo xittaa haddii aan ku noqdo Mosambiik, inaan xirfad yeesho. Waxaan bartay (1) cillaansaarka, (2) cuntakarinta, (3) luqadaha, sii ba Ingilishka, (4) dharkarinta, (5) kombiyuutarka, iyo (6) qurxinta dumarka. Taas oo markii aan tegay Mosambiik aan arkay in dadkii joogay ee Soomaalida ahaa ay u baahnaayeen.

Waxaan jeclaa maadaama uu ninkaygu iga maqan yahay, wakhtina aan haysto, inaan ka faa’iidaysto, oo aan wax is baro. Reerka gacanta ayaan ku hayaa. Haddii ay hooyadii ii tahay hooyo fiican, waxaan doonay inaan kala wareego mas’uuliyadda guriga, iyaduna ay ganacsiga ku mashquusho. Sidaas baa reerkii oo dhan ay ii jeclaayeen, iiguna han weynaayeen, maadaama aan qof walba gaarkiisa u xaqdhawri jiray; taasina waa waajib i saarnaa oo aan gudanayay. Laa shukra calal waajib! Hasayeeshee, odaygaygu kumuu qanacsanayn!

Waxaan ka bartay dugsiga farsamada gacanta gabadh Ayaan la yidhaahdo oo odaygayga xidhiidh la lahayd. Markaan is barannay aniga iyo gabadhii, sidoo kalena aan baray gabadh aan saaxiib ahayn, kolba guri baan tegi jirnay. Galab galbaha ka mid ah, ayay Ayaan igu tidhi: Qadaneey, nin aan xidhiidh leenahay oo Cabdirisaaq la dhaho, baa naagtiisa la dhahaa Qadan, waana reer Sool. Waxaan ku idhi: Anigu reer Sool baan ahay, Qadanna waa la i dhahaa, ninka aad leedahay Cabdirisaaqna ma aqaan! Kolkaas baa anigii iyo gabadhii aan saaxiibadda ahayn, annaga oo hoosta is kala soconna, ayaan baadhitaan dheer oo isdabajoog ah ku samaynnay gabadhii, laakiin iyadu namay dareemi karin.

Waxaan weyddiiyay Ayaan: Maxaa idin ka dhexeeya adiga iyo Cabdirisaaq? Waxay tidhi: Aniga nin baan kala tagnay, laba carruur ahna waan u dhalay, wiilkaa Cabdirisaaq ahna waan is barannay, wuxuuna joogaa Mosambiik, waxaanna ku ballannay inuu bisha afraad ee sannadkan 2017 yimaaddo, reerkayagana i weyddiisto, aanna is guursanno. Waxaan weyddiiyay mar kale: Oo gabadha Qadan ah weli ma qabaa? Waxay iigu jawaabay: Haa, weli wuu qabaa, laakiinse wuu caayaa, oo wax ka sheegaa—aniguna, mar aan telefoonkiisa wacay oo gabadha Qadan ahi iga qabatay, way iga cayday. Gabadha Ayaan ah aad baan isu barannay; waayo, dugsiga aan farsamada gacanta ka barto iyo guriga aan degganahay baa isu dhaw, xilliga biririfta (ama break time-ka) ayaan gurigayga wada iman jirnay, oo salaadda Casar ku wada tukan jirnay.

Waa yaab!! Bal ka warran haddii ay soo gasho qolkayga oo sawirkiisu (sawirka ninkaygu) uu suran yahay?! Caadi ahaan, dadkii hore, guryahooda waxay suran jireen sawirradooda—ama kii arooska ama kuwo kaleba!

Calaa kulli xaal . . . aad iyo aad baan isu dhexgalnay, telefoonkeeda waxaa shaashadda u saarnaa sawir uu leeyahay Cabdirisaaq. Telefoonkeeda ayaan ka qaaday, ka dibna waxaan ku arkay sawirro badan oo qurux badan oo uu isagu leeyahay. Galab aan wada joognay, ayuu Cabdirisaaq la soo hadlay Ayaan, isagoo calaacalayay, oo lahaa: Maxaa walaalay kugu dhacay oo aad boloogga ii saartay?! Kolkaas bay ku damisay! Daqiiqado ka dib, baan anigu wacay, kolkaan ku idhi maxaad iila soo hadli la’ dahay, wuxuu i yidhi: Shaqada ayaa igu badan, wakhti aan kugula soo hadlana waan waayay!

Ka sheeke, qoftii guriga u fadhiday, ee xaqqa ku lahayd, been buu u sheegayaa, tii kale ee aan sidaan ahaynna wuu u calaacalayaa, wuuna baryayaa?! Kolkay Ayaan i tidhaahdo, keen Qadanay telefoonkaaga, waxaan ku dhahaa: Wuu iga dab la’ yahay, ama telefoon baan sugayaa. Maxaa yeelay, maan rabin inay aragto sawirka Cabdirisaaq oo shaashadda ii saaran, dabadeedna ay iga shakkido.

Galab baa gabadhii kale ee saaxiibtayda ahayd waxay weyddiisay Ayaan: Ayaaneey, ninkii naagtii weli ma qabaa? Waxay ku tidhi: May, wuu furay! Waxay mar kale ku tidhi Ayaan: Ninka Cabdirisaaq Jookar ah waan xusuustay, ee gabadha Qadan ah qabay, weli wuu qabaa, meel bayna u deggan tahay, ee iska hubi! Ayaan waxay tidhi: May, walaal, anigaa huba. Isagaa igu yidhi waan furay. Waxay saaxiibtay mar saddexaad ku tidhi Ayaan: Oo waxaan maqlay, weli wuu qabaa, sharci buu u xereeyay, wuuna kaxaynayaa! Ayaan waxay hadal ku soo koobtay in uu furay, awelna ku maaweelin jiray inuu kaxaynayo, laakiinse uu sheegay inaannu weligeedba kaxaynaynin.

Akhristoow, waxaan idin weyddiiyay: Ninku markuu naag kale rabo, muxuu xaaskiisii hore oo nolol iyo duruufba ay isla soo mareen u dafiraa, ama wax uga sheegaa?! Dafiraaddu ma xuma, oo ta kale ayuu ku soo xero gelinayaa; waayo, Soomaalidii hore baa waxay tidhi: Naagaha been baa lagu soo xero geliyaa, runna waa lagu dhaqaa. Mana aan ahi naag ka xun ninkaygu inuu guursado naag labaad, ee waan u oggolahay naag labaad, naag saddexaad, iyo naag afraadba inuu guursado, oo Ilaahay baa taa u banneeyay. Waxaase ila khaldan cayda iyo aflagaaddada, ama wax xun ka sheegga xaaskiisii hore ee uu xalaasha ku qabay.

Waxaan kale oo idin weyddiiyay: Markay duruufta noloshu adkayd, waa lays jeclaa; maxaa isbeddelka keenay markuu ninku wax helo, ama u korodho nolol cusub sida hanti ama darajo?!

Gabadhii Ayaan ahayd dugsigii wuu noo dhammaaday. Kama warqabo in xidhiidhkoodii weli socdo iyo in kale. Awel waan iska warhaynnay, waxayna na maqashiin jirtay aniga iyo saaxiibtayba codadka uu soo duubo, iyo wax kasta oo dhex mara. Kolkol ayay na odhan jirtay: Waxani wuu nagu soo waashay; carruurta baan ka biilanayaa oo lacagtaan ka guranayaa! Isaguna wuxuu ku dhihi jiray: Adiga iyo carruurtaadaba waan idin rabaa, waana idin wanaajinayaa.

Aniga oo dareenkayga cabbudhinaya, maadaama gabadhii ahayd Ayaan ay noo aragto saaxiibbo, oo nala tashanayso, oo ay leedahay: Ma iska daayaa, mise waan guursadaa? waxaan ugu jawaabi jirnay: Haddii aad ku qanacsan tahay guurso, adigaa xaaladdaada naga oge. Ismay guursanin, laakiin iyaga oo xidhiidh leh baa igu war dambaysay!

Aniga iyo ninkaygii Cabdirisaaq xidhiidhkayagii wuu sii xumaaday. Saddex bilood ilaa afar bilood, wax war ah kama helo, ilaa aan anigu raadiyo. Haddii aan helana, telefoonkayga igama qabto. Mar haddaan ogaaday ninku inuu si fiican isu beddelay, waxaan go’aan ku gaadhay inaan soo afjaro, oo afkiisa wax allaale iyo wixii caddayn ah oo buuxda aan ka helo—si uusan ii luggooynin, ogaadana in aannu aniga ii maqnayn.

Si aan baadhitaan ugu sameeyo, waxaan soo furtay kaadh cusub oo Golis ah, waxaan u furtay Watis’ab, sawir qurux badanna waan saartay. Ka bacdi, illeen nambarkiisa baan hayay e, waxaan u qoray: Asc. Markii uu arkay, wuxuu ii soo qoray: Wcs. Waa tuma? Waxaan ku idhi: Waa Xannaan. Wuxuu igu yidhi: Xannaan waa tuma? Ma aqaani anigu! Nambarkayga xaggee baad ka soo heshay? Waxaan ku idhi: Guruubyada aad ku jirto baan ka soo helay. Halkii baan shukaansi iyo sheekaba ka bilawnnay. Wuxuu i yidhi: Ii soo dir sawirradaada. Waxaan la hadlay gabadh saaxiiibtay ah oo joogtay Boorame. Waxaan ku idhi: Ii soo dir sawirro qurux badan oo kala duduwan. Ka bacdi, hadba mid baan u diraa. Waxaan iska ilaaliyay inaan codad u duubo ama la hadlo, si uusan ii dareemin. Isaguse in badan ayuu isku taxallujiyay in uu voice call ama video call igula xidhiidho. Aniguse qoraalka oo keliya baan kula xidhiidhi jiray, si aan dantayda u gaadho.

Waxaan sheekaysannaba, waxaan weyddiiyay inuu xaas leeyahay. Wuxuu i yidhi: May. Waxaan weyddiiyay: Carruur ma dhashay? Wuxuu i yidhi: May. Carruurta in la dhalo sow in la guursado ka ma horrayso! Waxaan ku idhi: Maxaad u guursan wayday? Wuxuu i yidhi: Dhaqaale yari darteed baan u guursan waayay, laakiin haddaan diyaar ahay. Wuxuu igu yidhi: Sawirradaada baan ka helaye, maxaad tahay, xaggeese deggan tahay? Waxaan ku idhi: Anigu waxaan ahay reer Burco, laakiin waxaan la joogaa reer abtigay oo deggan Gaalkacyo. Wuxuu i yidhi: Reer Burco waxay dhaleen hooyaday, aad baana u jecelahay. Adigu ma guursatay? Waxaan ku idhi: Haa, waan guursaday. Wuxuu igu yidhi: Carruur ma dhashay? Waxaan ku idhi: Haa, laba wiil baan dhalay, wayna iga saqiireen. Wuxuu i yidhi: Ninkii ma kala tagteen? Anigoo dambi iska dhawraya, baan ka warwareegi jiray inaan u jawaabo; sidaa darteed, waan is dhaafin jiray. Ka dib buu sheeko guur ila galay. Wuxuu i yidhi: Xannaaneey, waad qurux badan tahaye, inaan is guursanno oo reerkiina ku weyddiisto baan rabaa. Waxaan ku idhi: Diyaar baan kuu ahay. Wuxuuna ila ballamay inuu ii yimaaddo bisha afraad, ee 2017. Ma garanayo; ma Ayaan buu u imaanayaa, mise Xannaan, illeen bishaas ayuu wada ballamiyay e!!! Wuxuuse aad uga helay, aadna u jeclaaday, sawirrada Xannaan. Waayo, Xannaan waa gabadh aad iyo aad u qurux badan, soojiidasho badanna leh.

Markii aan sheekada dhammaysannay, wakhtigii ballantana ay soo dhawaatay, baan ku idhi: Waxaan doonayaa inaan tago Boosaaso oo soo barto reerkiina. Wuxuu igu yidhi: Hooyaday waa ganacsato, gurigana ma joogto, gabadh may dhalin, oo shan wiil baannu nahay. Markaa, gabadh shaqaale ah baa guriga joogta, oo aan anigu bixiyo lacagta ay ku shaqayso. Waxaan ku idhi: De waan tegayaaye, gabadhu sideebay u eg tahay? Wuxuu igu yidhi: Waa gabadh gaaban oo cas. Dareen baa i galay gabadha shaqaalaha ah ee uu sheegayo inaan aniga ahay iyo in kale. Si aan u xaqiijiyo arrinta, ayaa waxaan ku idhi: Gabadha shaqaaladda ah sawirkeeda ii soo dir. Isla markiiba sawirkaygii ayuu “dhalam” ka soo siiyay. Waxaan ku idhi: Ma hubtaa in sawirkani uu yahay gabadhii shaqaaladda ahayd—aniga oo raacinaya qosol (kkkkk). Wuxuu i yidhi: Waa iyadii; waan hubaa oo waa iyadii! Muddo dheer bay noo shaqaynaysay. Anigaaba siiya mushahaarkeeda.

Akhristoow: Ninka ragga ah marka uu gabadh soo guursado, oo gurigooda keeno, haddii gabadha uu Ilaahay ka dhigo gabadh sakhiran, oo reerka u wanaagsan, oo ka dhigata guriga ay ku soo biirtay sidii gurigii ay ku soo barbaartay oo kale, si fiicanna ula wareegta maammulka hoyga; ninku miyuu ku farxaa, mise wuu ku nacaa?! Soomaalidu, waxay u badan tahay, gabadha iyo soddohdu inaysan isku fiicnaan intooda badan, oo had iyo heer la kala dheereeyo.

Akhristoow: Sidee bay kula tahay in ninku uu xaaskiisa ku sheego shaqaale, masruufkii sharciga loogu lahaana uu ka dhigo mushahaar shaqaale?!

Xidhiidhkii wuxuu socdaba, waxaan isbarbardhigay laba telefoon—mid waa Xannaan, midna waa kayga caadiga ah ee Qadan. Aniga oo Qadan ah, haddii aan idhaahdo: Asc, waxaa laga yaabbaa inuu caawa ama berri oo kale uu ii soo qoro: Wcs. Waan mashquulsanaa, shaqadaa igu badnayd, wakhti baan kuu waayay. Aniga oo Xannaan ahna, aan ka seexan kari waayo, marka aan dhaho waan daalanahay ama waan tukanayaa, uu i dhaho: I sug. Wax yar noo sii wad sheekada. Intaa waxaa dheer, afar iyo labaatanka saac wuu isoo wacayaa, kamase qabto. Waayo, waxaan diiddayaa codkayga inuu garto, oo aniga oo aan gaadhin dantayda aan fashilmo. Sidaa awgeed, baa waxaan ku marmarsiyoodaa, sameecadda moobilka baa iga xun, oo kulama hadli karo, ee qoraalka aynnu ku wada hadalno.

Aniga oo Qadan ah haddii aan ku dhaho sawirro ii soo dir, wuxuu dhahaa: Sawirro ma galo, mana haleelo. Aniga oo Xannaan ahna haddii aan ku dhaho sawirro ii soo dir. Iyo haddii aan ku dhihinba, boqollaal sawirro ah oo cusub oo kala noocnooc ah buu ii soo diraa. Mar kasta aniga oo is leh bal inuu wax dareemo, waxaan ku soo celceliyaa weyddiimahan: Weligaa ma guursatay? Carruur ma dhashay? Laakiin ma shakkiyo; maxaa yeelay, sawirrada qurxoon ee Xannaan ee aan u dirayo ayaa u muuqda, oo maankiisaba mashquuliyay, una diidday xittaa daqiiqad yar inuu fikiro. Waa hore ayay Soomaalidu ku maahmaahday: Nin meeli u caddahay, meeli ka madow!!!

In badan isaga oo i xumaynaya, aniguna aan ugu beddelayo wanaag, in badanna aan dareenkayga damiirka leh aan cabbudhinayo, baan maalin maalmaha ka mid ah adkaysan kari waayay. Aniga oo Qadan ah ayaan shantii subaxnimo ilaa duhurkii baan garaacayay telefoonkiisa, marnaba wuu iga qaban waayay. Aniga oo Xannaan ahna, intaa wuxuu i leeyahay: Codkaaga i maqashii, muuqaalkaagana i tus. Aniguna waxaan ku dhahaa: Waar maad ka joogtid! Muuqaalkayga haddaad aragto, faa’iido kama gaaraysid! Wuxuu dhahaa isaga oo degdegaya: Maya! Waan ku farxayaa muuqaalkaagee, mar uun i tus. Ka bacdi, waxaan ku idhi: Waa hagaage, video calling-ka furo. Wuu furtay! Maxaa uga soo baxay?!

Mar Allaale iyo markii uu arkay inaan ahay Qadan, ayuu isla markiiba damiyay video calling-kii, oo uu cararay isaga oo ceeboobay!! Markaasaan qoraal ahaan u qoray: Xannaan ma aha ee waa Qadan! Waa qoftii aad dafiraysay inaad guursatay iyo inay carruur kuu dhashayba! Waana qoftii aad ku sheegtay shaqaale ka adeegta guriga hooyadaa oo aad bishii adigu siiso mushahaar!!!

Teknoolajiyadda faa’iidooyinka ay leedahay bay ka mid tahay, inaad qof ka hesho xog aad ku qanacdo isaga oo aan ku dareemin, marnaba. Nambarkii sidii uu ku damiyay ayuu ku xidhay. Mana aan helin meel aan kala xidhiidho. Waxaanna go’aan adag ku gaadhay inaan warqaddaydii oo keliya ka qaato. Maalin dambe baan helay nambarkiisa cusub ee uu furtay. Warqad baan u qoray, waxaana ku idhi: Warqaddaydii ii soo dir. Wuu ii diidday inuu ii soo diro warqaddaydii; muddo badanna waan sugayay. Sheekadii oo dhanna way ogaadeen reerkoodu.

Markii uu ii diidday inuu ii soo diro warqaddaydii, ayaan anigu xagaabaxay, waxaana tegay Laascaanood. Ka dib ayuu ila soo xidhiidhay, wuxuuna isku deyay inuu i maslaxo, wuxuu na igu yidhi: Waan khaldamay. Xaal baan bixinayaa. Reerkiina ayaan la soo hadlayaa. Ka dib waxaan ku idhi: Reerkiinii baa kaa quustaye, reerkayaga lama soo hadli kartide, warqaddayda isii, illeen mawqifkaagii waan ogaaday, wax kalena kaama rabo! Haddana wuxuu i yidhi: Haddeer baan ku kaxaynayaa, diyaar baan kuu ahay, wax kasta oo aad iga tabanaysana waan kaa raalligelinayaa. Waxaan ku idhi: Horraan baad igu tidhi afar sanno ayaa la sugaa sharciga, oo aniga oo og inaan la sugin wakhtigaa oo uu ku soo baxo wakhti yar, waxaan ku idhi sharciga iska daayoo, sannadkiiba laba mar ama hal mar ii kaalay, waana adigii diidday, ee yidhi ma imaan karo. Waxa aan mar kale ku idhi: Wax kale kaama doonayo, ee keliya isii warqaddaydii; intaa uun wanaag iiga dhig.

Warqaddii oo faqad ah ayuu ii soo dhigay watis’abkayga, 1dii Juun, 2017. Meherkaygii, iyo dahabkaygii oo aan u iibiyay xilli lacag badan lagu yeeshay, iyo dharkaygii intii aan la xagaabaxay mooyaane intii kale oo dhan, isaga dartii ayaan uga tegay! Ilaa iyo maantadan aan joogno, gurigii kuma noqon, isagana ma doonayo, in kasta oo reerkiisa aan u hayo wanaag, sharaf, iyo jacayl badan, oo ay intaa i leeyihiin kaalay gurigii, anigu ma doonayo isaga, waana ka niyadjabay, xumaanta badan ee uu igu sameeyay darteed!!!

■ ■ ■
DHAMMAAD










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment