Neha Dhupia Oo Shil Baabuur Gashay Halkii Dadka Ay Caawin Lahaayeen Waxay Weydiisteen Inay Selfie Picture La Gasho!

Bulsha:- Atirishada caanka ah Neha Dhupia shil baabuur ayay gashay ay kasoo socotay magaalada Chandigarh kuna sii jeeday Airport-ka si ay Mumbai dib ugu soo laabato.

Xidigtaan iyo darawalkeed markii ay wada shil ku galeen waxaa goobta imaadeen ciidanka ilaadada wadada sidoo kalena dad aad u fara badan ayaa laamiga soo buux dhaafiyeen.

Halkii Neha Dhupia ay dadka caawin lahaayeen waxay weydiisteen inay Selfie Picture la gasho qaarkood amar la’aan ayay hareeraha kaga soo galeen sawirada Mobile-kooda isaga qaadeen!

Neha Dhupia ayaa sheegtay in dhaawac weyn soo gaarin iyada iyo darawalkeeda balse ay la yaabtay sida dadka dhaqankooda isku badalay waayo waagii hore qof hadii uu dhib la kulmo marka kowaad caawinaad ayaa loo fidin jiray laakiin hada qofka asigoo dhibaato ku dhex jiro inta aan la caawin ka hor sawir in laga qaado ayaa ka muhiimsan.
Dhinaca shaqada Neha Dhupia waxay door wacan ku laheyd filimkii Hindi Medium ee Irfan Khan hogaamiye ka ahaa kaasi oo Hit noqday haatana waxay ku mashquulsan tahay duubista filimka Tumhari Sulu oo ay ku jileyso mudane maamulo xarun idaacadeed waxaana kula jirto filimkaan Vidya Balan












Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment