Muuqaal: Rabshado ka bilowday dalka Kenya iyo Cabsi laga qabo rabshadihii sanadkii 2007-dii oo kale (SAWIRRO)

Bulsha:- Taageerayaasha Hoggaamiyaha Mucaaradka Kenya ahna Musharaxa Madaxweynaha Raila Odinga ayaa dibad baxyo rabshado wata ka dhigay magaalada Kisumu, iyadoo la soo sheegay in isku dhacyo ay dhex mareen ciidamada booliska iyo dibad baxayaasha.


Rabshadahan ka bilowday magaalada Kisumu ayaa ka dambeysay, kaddib markii Hoggaamiyaha Mucaradka Raila Odinga uu qaadacay natiijooyinka horu-dhaca ee doorashada, isagoo sheegay in la jabsaday nidaamkii Computer-ka ee codeynta doorashada.

Dibad baxayaasha ayaa waddooyinka ku xiray dhagxaan, iyagoo gubay taayaro, ciidamada booliska ee ka hor-taga rabshadaha ayaa adeegsaday sunta ilmaha ka ilmeysiisa.

Ciidamo fara badan ayaa lagu soo daadiyay magaalada, si ay ammaanka u xaqiijiyaan, ugana hor-tagaan falal keeni kara qarbudaad iyo isku dhacyo ka dhasha natiijada doorashada Madaxweynaha.

Dadka dibad baxayay ayaa ku qeylinayay erayo ay kaga soo horjeedaan Guddiga doorashada, iyagoo ku dhawaaqayay Raila La’aantiis nabad ma jirto

Magaalada Kisumu oo ku taalla waqooyiga Kenya ayaa ah magaalo ay ku xooggan yihiin Mucaaradka, waxaa ay caan ku tahay rabshadaha dhex mara Ciidamada iyo taageerayaasha mucaaradka.
Dhinaca kale Ciidamo fara badan ayaa la soo dhoobay magaalooyin badan, iyagoo jidadka qaar ee magaalada Nairobi lagu arkayo ciidamo aad u hubeysan.
Cabsi iyo wal wal ayaa laga qabaa in dalka Kenya ka dhacaan rabshadihii sanadkii 2007-dii oo kale.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment