Kareena Kapoor Muuqaal Marti Ah Maku Yeelan Doontaa Golmaal Again?

Bulsha:- Kareena Kapoor Khan waa atirisho caan ku ah sameynta taxanaha Golmaal ayadoo horey kaga soo muuqatay labo ka mid ah sedexda qeybood ee filimkaan laga sameeyay.

Laakiin nasiib daro Bebo qaybta 4-aad Golmaal Again door dhameestiran kuma lahaan doonto madaama shaqada filimkaan kusoo aaday xili ay dhashay Taimur Ali Khan waxaana lagu badalay Parineeti Chopra.

Dhawaan la isla dhex maraayay in Kareena Kapoor muuqaal marti ah Golmaal Again ku yeelan doonto balse Director Rohit Shetty ayaa sheekadan wax kama jiraan ku tilmaamay.

Rohit wuxuu yiri “Maya Kareena muuqaal marti ah kuma lahan filimkeyga, hadii aan kusoo daraayo door dhameestiran ayaan siin lahaa”
Filimka Golmaal Again waxaa la daawan doonaa feestada Diwali oo ku beegan 19 October waana filim Ajay Devgn iyo kooxdiisa lagu rajo weyn yahay inay guul lixaad leh gaari karaan.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment