Hooyo Soomaaliyeed tahriib ah oo ku dul umushay Markab: Video

Bulsha:- Hooyo Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Raxma Abukar, 33 jir ah ayaa ku dul umushay markabka Schleswig-Holstein oo laga leeyahay dalka Jarmalka, kana soo badbaadiyay xeebaha Mediterranean.

Raxma ayaa markabka dushii ku dul umushay gabar ay u bixisay Safiya, waxaana ay gabadhaasi xaaladeeda lagu sheegay in ay tahay mid wanaagsan.

Hooyada iyo gabadha ay dhashay ayaa waxaa la geeyay isbitaalka daryeelka oo ku yaal dalka Talyaaniga.safiya-tahriib


Raxma ayaa waxay ka mid aheyd 453 qaxooti ah oo isniintii laga soo badbaadiyay xeebaha Mediterranean oo saarnaa afar doonyood oo kasoo shiraacday dalka Liibiya. waana haweeneydii ugu horeysay ee ku dul umusha markab laga leeyahay Jarmalka.

Intii lagu guda jiray isbuucii la soo dhaafay, in ka badan 4,000 oo qaxooti ayaa la soo badbaadiyay Badda Mediterranean-ka.















Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment