Hollywood Director Rawson Marshall Ayaa Doon Doonaya Lashaqeynta Atariishada Priyanka Chopra!!

Bulsha:- Rawson Marshall Thurbel waa Filimsameye American ah kaaso kashaqeya shirkada weyn ee Hollywoodka.

Filimsameyahan wuxuu ka dhawaajiyay in shirkadaha shisheye sida Bollywoodka ay noqdeyn kuwa caan ah waxtar tayo wanaagsana la yimaadeyn sidaa awged wuxuu shegay inuu doon doonayo lashaqeynta xidigta weyn ee Priyanka Chopra.

Priyanka ayaa noqotay atariisho caalami ah oo aduunko dhan laga aqoonsaday maadama ay kasoo dalacday shirkada Bollywoodka ayadoona noqotay atariisho sido kale ka shaqeysa shirkada dunida ugu caansan ee Hollywoodka.

PeeCee kaliya ma aha xidigaha markaan qaab jiliinkooda heerka sare gaarsinayan sido kale waxaa kamid ah xidigaha kale ee Hollywoodka ku biiray sida Deepika Padukone iyo Irrfan khan.

Filimsameye Rawson oo hadlaya wuxuu yiri asigo raba lashaqeynta PeeCee,” Filimka aan hada sameynaayo waa Skyscraper waxaana hogaamiye kaga dhigay Dwayne Johnson oo horey usameyay Baywatch kaaso Priyanka wax ka hogaamineysay.”

“Nasiib ayaan lahaan lahaa hadaan amr uun lashaqeyn lahaa gabadha India kasoo jeeda ee Priyanka Chopra waana rajeynayaa goordhow lashaqeynta PeeCee.”

Priyanka farxad uma dhina hadee maqasho hadalkaan waayo ninka sidaan leh waa mid kamid ah Filimsameyasha ugu caansan Hollywoodka waana mid weyn oo ay Priyanka kufarxi doonto lashaqeynta Directorkaan.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment