DUMARKU NINKA HADALKA BADAN IYO KAN AAMUSAN KEE JECELYIHIIN -XOG NOLOSHA.

Bulsha:- Muddo toban sanno ku dhawaad ah ayaa khubaro u dhalatay dalka Kanada oo baaritaan ku hayey nooca ragga ee dumarku ka helaan, ayaa ogaaday in ragga hadalkoodu yar yahay ee kelmadaha gaagaaban adeegsada ay soo jiitaan, isla markaana hantaan qalbiga haweenka, iyadoo dumarku aaminsan yihiin in hadal yaraantu tahay astaan muujinaysa ragganimada qofka ama ninka.

Haweenka oo celcelis ahaan hadalkoodu ku soo labanlaabmayo ragga, ayaa maskaxdoodu u samaysan tahay in hadalku si xawli ah u socdo, iyagoo khubaradu sheegay marka haweenaydu la kulanto nin hadal badan waxay aaminaan in aanay ragganimo weyn lahayn, mana daneeyaan, halka ragga hadalka yar ay dumarku aad ugu dhego nugladaan.

Cilmi-baarayaashan reer Kanada oo baaritaan ku hayey sidoo kale codka ragga, kelmadaha ay isticmalaan iyo lahjahadooda, ayaa ogaaday in haweenku u joogsadaan ragga aadka u hadalka yar ee kelmadaha miisaanka badan isticmaala.















Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment