DAAWO SAWIRRO: Shirkad Mareykan ah oo aduunka ka yaabsatay kadib markii ay soo saartay Bastoolad u eg Kaarka Bangiga

Bulsha:- Shirkad Mareykan ah ayaa soo saartay bistoolad yar oo la eg kaarka Bankiga ee jeebka lagu rito, taas oo qaadaysa shan xabadood sida Bistooladaha caadiga ahna wax u tooganaysa.

Bistooladdan ayaa haddii si kale loo dhigo waxaad ku ridan kartaa boorsadaada jeebka ‘Wallet’ iyadoo dhirirkeedu yahay 2.1 inches,  balaceeduna waa 3.4 inches halka culeyskeeduna ka badneyn 198 gram.

Shirkadda sameysay Bistooladdan oo lagu magacaabo ‘Trailblazer Firearms’ ayaa sheegtay inay sameynteeda ku howlanayd muddo 7 sanadood ah, waxaana sidoo kale bistooladdani leedahay qayb yar oo kuu keydinaysa 4 xabadood oo dheeri ah.

Qiimaha lagu iibin doono bistooladdan ayaa gaaraya $399 dollar waxaana ka heli kartaa xarumaha kala duwan ee hubka lagu iibiyo ee Dalka Mareykanka.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment