Bhumi Pednekar Oo Cadeysay Inee Taageero Rasmi Ah U Tahay Priyanka Balse Deepika Maxay Kashegtay?

Bulsha:- Atariishada Bhumi Pednekar oo atariisho ka aheyd filimka guusha weyn gaaray ee Toilet: Ek Prem Katha ayaa shegtay inee aad u jeceshahay Priyanka Chopra sido kalena ay aad u jeclaan laheyd filimka Piku ee Deepika atariishada ka tahay wax ka jisho.

xidigtaan ayaa fanka kucusub balse filimkeedi udambeyay guul wacan gaaray sidaa awged waxay bixisay wareysi dheer oo dhinacyo badan wax laga weydiyay hadaba Filimside oo kuuso koobtay wareysiga gabadhaan lala yeeshtay asigoo afkaada hooyo ah halkaan hoose kaga bogo.

Directorkee Jeclaan Laheyd Inaa Mar uun Lashaqeyso?

“In badan waxaan jeclaan lahaa inaa lashaqeyo Shimit Amin”

Filimkaada Xigo atoore nooce ayaad jeclaan laheyd inaa la shaqeyso?

“Atoore walba waayo aniga fanka waan kucusbahay qofwalbana waan la falgalaya, hadii xitaa dadka iweydiyaan sedexda Khan midkee la shaqeyn laheed, dabcan midna ma doorten oo sedexdoodaba waan jeclaan lahaa inaa lashaqeyo marka sidaa awged qof qaas ah oo aan dalbanaayo majiro.”

Aflaamtii Horey Loosameyay Filimkee Aad U jeclaan laheyd inaa kamid Noqoto Ama Aad wax kajisho?

” Piku! waa filim aan aad ujeclahay wuxuuna kamid yahay aflaamta aan xiiseyo, Deepika ayaa filimkaas wax ka hogaamineyso sido kale anigana waan jeclaan lahaa filimkaas inaa wax ka hogaamiyo, sido kale aflaamta kala ah Rang De Basanti iyo Omkara iyagana waan jeclaan lahaa inaa kashaqeyo.”

Majirtaa Atariisho aad kudayato ama aad taagero u tahay?

“Haa, Priyanka Chopra waa atariishada kaliya ee aan waqtigaan taageraha u ahay waana qof aan inbadan ku dayado, xaqiiqdi wali lama aanan kulmin PeeCee balse fariimo ayaan xafladaha dhalasho isugu dirnaa aadbaana ujeclahay PeeCee.”

Kawaran dhanka siyaasada, mustaqbalka malaga yaaba inaa gasho siyaasada?

“Maya, aniga iyo siyaasada waan kala fognahay, shaki kuma jiro inaa dalkeyga jeclahay uuna yahay qeyb kamid ah nolosheyda balse dhanka siyaasada maba aqaan inbadana ogaanshaheeda waanka yarahay.”

“waxaan ahay jilaa waxaana rabaa inaa hormar weyn ka gaaro shaqadeyda jilaa nimo marka siyaasad marnaba uma soo jeedo.”

dhanka kale atariishadan marka laga hadlo atoorayasha ay taagerto kuwaaso Bollywoodka ka xamaashtaan waxaa kamid ah Shah Rukh Khan iyo Salman khan.
sido kale xiligii hore ama 90kii waxay taageero rasmi ah u aheyd Karisma Kapoor, dhanka aflaamta Bollywoodka ay xiiseeso kaliya Piku, Rang De Basan Iyo Omkara ma ahan sido kale waxaa kujia aflaamta ay xiiseso filimka Raja Hindustani ee Aamir Khan iyo Karisma kapoor hogaamiyaalka ka ahaayeen.












Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment