Arimahaan Waxa Ay Si Fudud Ku Dilayaan Naxariista Jaceylka

Bulsha:- Waxaa jira arimo badan oo dili kara jaceylka ninka hadaba waxa ay Bulsha.com gabaryaheey ku siineeysaa dhowr arin oo ay muhiim tahay in aad iska ilaaliso si jaceylka uusan u dhiman .

1- Jees jeesidda Iyo Dhaawacidda Dareenka: jees jeesidda waa arin aad u xun oo dhalineysa naceyb , waxa ayna daaqadda ka saareysaa ixtiraamka halka booskaas uu soo galayo dood iyo is qab qabsi , waxa ayna ugu dambeyn keeneysaa in jaceylka uu bur buro .

2- Mashquulka joogtada Ah : in haweeneyda ay ka mashquusho ninkeeda waa arin jaceylka dileysa oo gabaryaheey guriga ama banaankiisaba hakaga maqshquulin , waqti la qaado ninkaada .

3- Hinaasaha Badan : haddii maseerka xadkiisa uu dhaafo waxaa ka dhasha cawaaqib xummo , waxa uuna ka mid yahay bur buriyaha jaceylka .


4- Talooyinka Haweenka Kale : in haweeneyda ay dhageysto dhamaan talooyinka haweenka kale ee saaxibadeeda ah waxa uu ku keenayaa tashwiish iyo rajo beel , gabaryaheey ogoow xariirka adiga iyo ninkaada ayuu u dhaxeeyaa ee sirta gurigaada qari oo la tashiga badan jooji illaa dadka qibradda u saaxibka ah mooyee .

5- Tix Gilin La`aanta : waxaa jira kara in ninkaada leeyahay hami iyo riyooyin u baahan caawin iyo dhiira gilin , balse haddii taasi aadan fahmin waxa uu ninkaada u turjumanayaa in aadan tix gilin u hayn , xittaa hadii uu kaa waayo dhiira gilin waxa uu ka qaadayaa rajo beel waana qaladaadka ugu daran nolosha guurka ee gabaryaheey taxadar ka yeello.

6- Xukun Iyo keli talisnimo: gabdho badan ayaa aaminsan in iyaga ay lahaadaan go`aanada guriga ay ka helayaan laab qaboow balse in ninkeeda ay fahanto isla markaana tix giliso ayaa u soo celin karta qalbi qaboowga
7- Dacwadda Badan: Haddii ninkaada dareemo dacwad joogto ah isla markaana aad badiso ka hadalka dhibaatooyin xal loo heli karo waxa uu ninka galayaa habka aamusnaanta si nasiino uu u helo , ee gabaryaheey xilliga aad ninkaada kala hadleyso dhibaayooyinka guriga dooro











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment