Wargeyska New York Times oo kashifay qaabkii xilka looga xoogay Mohamed bin Nayef

Bulsha:- Wargeyska New York Times ee kasoo baxa Mareykanka, ayaa shaaciyey sir xasaasi ah oo ku saabsan qaabkii xilka looga wareejiyey dhaxal-sugihii hore ee boqortooyada dalka Sacuudiga Mohamed bin Nayef.

Wargeyska ayaa sheegay in habeen ka mid ah bishii June, Mohamed bin Nayef looga wacay magaalada Makka, kadibna si qasab ah, isaga oo aan raali ka ahayn looga saxiixay inuu ka tanaasulo dhaxal-sugenimada boqortooyada.

Subaxnimadii ayaa dadka reer Sacuudi iyo gaar ahaan xubnaha kale ee boqortooyada waxay kusoo tooseen warka ku saabsan in xilka dhaxal-suge loo wareejiyey Mohamed bin Salman oo ah wiilka uu dhalay boqor Salman.

Si taageero loogu raadiyo Mohamed Bin Salman, ayaa xubno sare oo ka mid ah boqortooyada oo kasoo horjeeday xil qaadista lagu sameeyey Mohamed bin Nayef, waxaa lagu dhex baahiyey war ku saabsan inuusan ku habbooneyn inuu boqor noqdo, sababtuna ay tahay isaga oo aad u caba daroogada, oo uusan miyir lahayn mararka qaar.

Intaas looguma simin’e, Mohamed bin Nayef waxaa sidoo kale lagu qasbay inuu muuqaal kala soo muuqdo Mohamed bin Salman, una hambalyeeyo, si taageerayaashiisa loogu qanciyo in wax walba ay caadi yihiin.

Saraakiil ka tirsan dowladda Mareykanka iyo xubno ku dhow boqortooyada Sacuudiga ayaa wargeyska New York Times u sheegay in Mohamed bin Salman uu muddo ka shaqeynayey sidii uu meesha uga saari lahaa Mohamed bin nayef.

Tani waxa ay meesha ka saareysa warkii la baahiyey subaxii xilka laga qaaday Mohamed bin Nayef ee ahaa inuu isaga raali ka aha axil ka qaadista lagu sameeyey.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment