Sawirro: Jawaano ay ka buuxan lacago Shilin Soomaali ah oo lagu soo bandhigay Beledweyne & Cosoble oo dalbaday magdhaw

Bulsha:- Kontomeeyo Ganacsato Soomaaliyeed ayaa lasoo warinayaa in magaalada Beledweyne ee xarunta maamulka Hiiraan kusoo bandhigeen lacago Shilin Soomaali aad u farabadan.

Ganacsatadan ayaa lacagaha kusoo bandhigay kulan ay la wadaagayeen mas’uuliyiin ka tirsan maamulka HirShabelle oo ay ku jireen Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan maamulka.

Goobta lagu soo bandhigay lacagaha Shilin Soomaaliga ayaa waxaa sidoo kale ku sugnaa Hogaamiyaha maamulka HirShabelle sida ay baahiyeen mas’uuliyiin ka tirsan maamulka.

Hogaamiyaha Maamulka HirShabelle Cali Cabdulaahi Cosoble oo ka hadlay kulanka, ayaa sheegay in Maamulka Puntland ay ka doonayaan magdhaw, maadaama lacagta faalsada ah ay ka timid deganada Puntland.

Hogaamiyaha ayaa intaa raaciyay in aysan aqbali doonin in la dhibaateeyo Ganacsatadda Gobolka Hiiraan.

Sidoo kale, Ganacsatada ayaa kulanka uga qeybgashay gudbinta cabashooyinkooda ku aadan shaqo la’aanta ku dhacday lacagaha Shilin Soomaaliga.
Lacagaha ay soo bandhigeen Ganacsatada ayaa dhawaan laga joojiyay in laga isticmaalo suuqyadda Magaalada Baledweyne.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment