Parineeti Chopra Oo Ka Hadashay In Filimkeeda Xiga La Sameyn Doonto Akshay Kumar Iyo Hrithik Roshan

Bulsha:-  Bollywood actress Parineeti Chopra oo aan in mudo ah sameynin wax filim waxay sanadkaan kusoo laabatay filimka Meri Pyaari Bindu oo kula wehlinaayay Ayushmann Khuran laakiin filimka Meri Pyaari Bindu wuu guul daraystay.

Sidaa daraadeed Parineeti Chopra oo saxiixatay filim sameeye Vikas Bahl Bahl filimkisa xiga ayaa la hadal heeyay ka dib filimka Vikas bahl in ay filimkeeda xiga la sameyn doonto labada Super Star ee Akshay Kumar iyo Hrithik Roshan.

Parineeti ayaa sheegtay in ay la socotay wararka xanta ah ee saxaafada hadal heysay waxayna cadaysay in aysan filima la sameyn doonin Akshay Kumar iyo Hrithik Roshan waxay kaloo sii sheegtay in hada filimka kalii ay ku mashquulsan tahay inuu yahay Golmaal 4.

Dhinaca kale filimka Golmaal 4 oo hogaamiye ka yahay Ajay devgn waxaa daafaha caalamka laga daawan doona Diwali sanadkaan.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment