Bulsha:- pakistan imageBooliska dalka Pakistaan ayaa xidhay 25 oday oo ah caaqilladii tuulo ku taalla duleedka caasimadda, Islamabad, kadib markii lagu eedeeyay in ay gabadh yar oo 16 jir ah, isla markaana aan waxba galabsan, ku xukumeen in la kufsado.
Gabadha la kufsaday iyo waalidkeed ayaa saldhigga Booliska ka dacwooday. Arrintan ayaa dhacday kadib markii, gabadha walaalkeed oo dhallinyaro ahaayi kufsaday gabadh 12 jir ah oo ay daris ahaayeen. Odayada ayaa arrintaa ka fadhiistay, kadibna waxay amreen in wiilka gabadha kufsaday walaashii la kufsado, waalidkii dhalay ayaana lagu amray inay gabdhahooda mid soo saaraan si loo kufsado. Wiil dhalinyaro ah oo ay gabadhii horey loo kufsaday walaalo yihiin ayaana loo soo saaray halkaana ku kufsaday.
Arrintani ugub kama aha dalka Pakistan, waa caado lagu dhaqmo, ciqaabna looga dhigayo dambiilihii gabadh kufsada in walaashii ama gabadhiisa la kufsado.
Arrinta la yaabka lihi waxay tahay sababta bulsho dhan looga waayay qof garta in waxa la ciqaabayaayi aanu ahayn dambiilihii falka gaystay. Waxaa kale oo la yaab leh in dalka ay waxani ka dhacayaani yahay dal Islaam ah. Waxaa arrintan la daalaa dhacaya waxna ka qaban la’ hay’adaha sharciga ee dalka Pakistan,
Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:
Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Blogger Comment
Facebook Comment