GALMADA UURKA DABADIIS

Bulsha:- Waxaa jirta in dheddiga xayawaanka aan caqliga lahayn kuwooda uurka lihi ay diidaan inuu labkoodu abaahiyo, ha yeeshee dhinaca bani’aadmiga arrintu taasi waa ay ka duwan tahay. U galmooshada hooyada uurka lihi wax dhibaata ah u geysan mayso iyada iyo uurjiifkeeda toona, waase hadday galmadaasi ku dhacdo jawi taxaddar iyo feejignaani ku dheehan yihiin, welibana la isticmaalo hababka galmo ee ku habboon. Rabitaanka dumarku xilliga ay uurka leeyihiin isku mid ma aha oo qaarkood waa uu kordhaa qaar kalena yaraadaa. Guud ahaan mar kasta oo ay dhalmadu soo dhowaato, waxaa kordha ka fekerka ay hooyadu ka fekereyso ilmeheeda yar ee soo socda, iyadoo isu diyaarineysa hooyanimo, sidaasi buuna rabitaankeedii jinsi si tartiib-tartiib ah isugu dhimaa.



Waxaa ragga looga digayaa inay haweenkooda u galmoodaan afarta usbuuc ee ka horreeysa dhalmada, sababtoo ah galmada xilligaas ahi si kasta oo ay nadaafadda ugu dadaalaan haddana waxay keentaa inuu cambarka galo jeermis khatar ahi. Cambarku kolka uu caadiga yahay waxa uu awood u leeyahay inuu dilo jeermis kasta oo dibadda kaga yimaada isaga oo adeegsanaya dheecaanno sun ah oo uu soo daayo. Ha yeeshee xilliga dambe ee uurka gidaarradiisu gebi ahaantoodba waa ay qallalan yihiin, oo dabacsan yihiin, diyaarna u yihiin dhalid. Waxaa intaa dheer dub-duleedka habdhiska taranka oo gebi ahaanba kala baxbaxaya, oo balballaaranaya, iyo xididdada ilma-galeenka oo iyana kala furfurmaya, jeermiskuna uu dabeeto si fudud ku geli karayo. Waxay weliba ugu sii daran tahay oo uu jeermisku haystaa fursaddii ugu fiicnayd waqtiga dhalmada, isaga oo jirka haweeneydu uu waqtigaasi tamar dhigayo, gabayana awooddii uu iskaga caabiyi lahaa cudurrada. Haddaba, waxaa loo baahan yahay in xilligaasi aannu soo sheegnay laga fogaado fal kasta oo keeni kara jeermis dibadda ka yimaada, kaasi oo khatar gelinaya haweeneyda iyo uurjiifka labadaba.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment