Galmada ammaanka ah Ee aan Cudur dhan arkeenin (Sir Muhiim ah)

Bulsha:- Xaaraanta Ha Fogow Kororso Aqoon Oo kaliya,Ha sababsan Warbixinta xayeysiin Nolosha.Macluumaadkan waxaa loo diyaariyey dadka Xalaasha Ku Galmooda.

Waa maxay galmada ammaanka ahi?

Galmada ammaanka ahi waa doorashada inaad ka ilaaliso naftaada iyo dadka kaleba infekshinka galmada laysku raaciyo (STIs), oo ay ku jiraan HIV/AIDS. Galmada ammaanka ahi waa galmada ay manidu (Cum), qoyaanka ferjiga ama dhiigu aan laysku waydaarsan dadka isu galmoonayaa.

Isweydaarsiga dheecaanka jirka waxay dhici kartaa inta lagu jiro:

• Galmada ferjiga (guska oo ku jira ferjiga).

• Galmada dabada (guska oo ku jira dabada).

• Galada afka (guska oo ku jira afka ama carabka oo ku jira ferjiga).

• Xiriirka afka iyo dabada (carabka oo ku jira dabada).

• Faraha ama qalabka kale sida alaabta galmada oo ku jirta ferjiga ama dabada haddii qoyaankani ku yaal dushooda.

Sidee baan u sameyn karaa galmo ammaan ah?

Xeerka aasaasiga ahi waxaa weeye inaad iska ilaaliso dhiiga, manida (cum) ama qoyaanka ferjiga ee qofka aad isu galmooneysaan inuu galo jirkaaga.

Siyaalo aad u ilaalin kartid naftaada iyo kuwa kaleba:

• U isticmaal kondhomka iyo saliida biyaha leh si sax ah dhammaan dadka aad isu galmooneysaan.

• Isticmaal galmada aan dhabta ahayn’ sida shuminta, isu siigeynta iyo taabashada, salaaxida, jirka isasaarida, masaxida iyo u masaajeynta kacsiga leh.

• U galmood oo keliyga wehelkaaga joogtada ah. Galmada aan difaaca lahayn ee wehelka caadiga ah waxay ammaan noqoneysaa oo keliya haddii labadiinaba laydin baaro oo aad ka madaxbanaantihiin dhammaan infekshinada laysqaadsiiyo STIs iyo in labadiina midkiina uusan u galmoon cid kale.

Waa maxay infekshinka galmada laysugu gudbiyo (STI)?

STI waa jiro ama infekshin luu ku faafin karo qofba qofka kale marka laysu galmoodo. Qaar ka mid ah STIs waxaa ku jira:

Feryraska unugyada taranka, fiixda unugyada taranka, chlamydia, jabtada, injirta, HIV/AIDS, trichomonas, isfiilatada, xannuunka beerka nooca B.

STIs waxay dhalin karaan dhibaatooyin fara badan iyagoo ka bilowda cuncun yar ilaa jiro khatar ah oo ku yeelata waxyeelo dheeraada caafimaadka, haddii aan la daaweyn, qaar ka mid ah STIs waxay dhalin karaan ma dhaleysnimo ama xitaa dhimasho.

Ma garan karaa haddii wehelkaygu leeyahay STI?

Ma sheegi kartid haddii qofka aad isu galmootaan uu leeyahay STI. Dadku waxay u muuqan karaan sidii wax caafimaad qaba lakiin weli way qabi karaan. Waxaa laga yaabaa inuusan qofku xitaa ogeyn inay qabaan STI.














Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment