Farmaajo oo shaaciyay cadadka ciidamada loo diyaariyay nabadeynta Muqdisho

Bulsha:- Madaxweynaha DFS Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa ka hadlay amniga guud ee dalka kadib isbedelada dhanka amaanka oo ay ku talaabsatay dowlada.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dowladdiisa mudadii ay jirtay ay wax ka qabatay amniga guud ee dalka gaar ahaan magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Farmaajo ayaa tilmaamay in qorshaha amni ee caasimadda loo diyaariyay 1,500 ”Kun iyo Shan Boqol” oo ciidan kuwaasi oo ka qayb qaata hawlaha amni ee magaalada Muqdisho.

Waxa uu Madaxweynaha farta ku goday in howlgalada ay wadaan ciidamada aan tiradooda kor kusoo xusnay ay dileen isla markaana nolosha ku qabteen Saraakiil iyo dagaalyahaano ka tirsan Shabaab.

Sidoo kale, mar uu Madaxweynaha uu soo hadal qaaday Shirkii London waxa uu sheegay in beesha caalamka ay diyaar u tahay dhismaha ciidamo qaran oo uu dalku yeesho.

Madaxweyne Farmaajo ayaa cadeeyay inuu diyaar u yahay in dowladiisa ay xooga sii saarto amniga iyo xasilinta magaalada Muqdisho, waxa uuna ku baaqay in loo soo jeesto Horumarinta Somalia.

Geesta kale, Farmaajo ayaa ballanqaaday in muddo Kooban uu kusoo afjari doono Shabaabka haraadiga ku ah magaalada Muqdisho iyo deegaanada ku dhow dhow.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment