Ciidamo la socday Fanaanada Fartuun Birimo oo Shacab ku Laayey Gaalkacyo

Bulsha:- Warar dheerad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa Khasaaro ka dhashay weerar ay geysteen ilaalo la socday Fannaanada Fartuun Birimo oo iminka ku sugan Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.

Ilaalada la socda Fannaanada Fartuun Birimo oo ka tirsan Ciidanka Galmudug ayaa rasaas ooda uga qaaday Culimo iyo dad shacab ah oo aad uga soo horjeeday in Fannaanada ay bandhig faneed qabato.

Dadka shacabka ayaa aad uga soo horjeestay Fannaanada kadib markii culimada deegaanka ay ku baaqen in la hakiyo bandhig faneedka Fartuun Birimo.

Culimada deegaanka ayaa sidoo kale waalidiinta ku amray in carruurtooda ay ka ceshtaan goobaha la doonaayo in lagu dhigo bandhiga.

Inta la xaqiijiyay rasaasta ay fureen ilaalada Fartuun Birimo ayaa waxaa ku geeriyooday hal ruux, halka inkabadan Shan kale uu dhaawac soo gaaray kuwaa oo haatan lagu dabiibayo Isbitaalka Guud ee Magaalada Gaalkacyo.
Fannaanada Fartuun ayaa noqoneysa Fannaankii ugu horeeyay oo ilaalo ay wadatay dad shacab ah laaya, tan iyo markii ay Fannaaniitu bilaabeen inay dib ugu soo laabtan dalka, Waxaana la sheegay inuu Qabsoomay Bandhigaasi kadib Rabsahadaha iyadoo dadku ay ku gelayeen Lacag Dhan 10$ Dollar.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment