Askari Somali-American ah oo Toogasho ku Dilay Gabar Cadaan ah (VIDEO)

Bulsha:-  Booliiska magaalada Minneapolis ayaa baaritaano dheeraad ah ku wada qaabka uu u dhacay dil askari Soomaali-American ah oo katirsanaa ciidanka booliiska ee magaaladaasi Minneapolis kaasi oo toogtay haweeneyda u dhalatay dalka Australia.

Ninkan oo lagu maga caabo Maxamed Nuur oo katirsanaa booliiska magaalada Minneapolis ayaa la sheegay in uu ka dambeeyay dil loo geestay Haweeney u dhalatay dalka Australia oo lagu magacaabo Justine Damond, waxaana wali la baarayaa qaabka uu u dhacay dilkan.



Haweenayda uu dilay askarigan Soomaali-Mareykankanka ah ayaa wacday lambarka 911 si ay booliiska ugu wargaliso dhaq dhaqaaq iyo cod ka soo yeeray gurigeeda agtiisa, waxaana booliiska markii uu gaaray gurigeeda dhacday in haweeneydaasi halkaasi lagu toogto.
Askarigan Soomaaliga ah ee dilka geestay ayaa si KMG ah shaqada looga fariisiyay, Waaxda badbaada Shacabka ayaa sheegtay in ay baaritaan ku hayso arrinta Sabtidii dhacday, laakiin waxay intaas ku dareen in aysan daarnayn kaameerada askariga ku xirnayd markii ay arrintaasi dhacaysay.

Duqa magaalada Minneapolis, Betsy Hodges oo war kooban kasoo saartay dilkan ayaa sheegtay in ay aad uga naxday kana qalbi jabtay falkan dilka ah ee magaaladeeda ka dhacay.












Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment