Arjun Kapoor: Ileana D’Cruz Wax Bay Igu Dhufan Jirtay Muuqal Walbo Aan Wada Duubaynay Filimka Mubarakan

Bulsha:- Actor Arjun Kapoor filimkiisa xiga waa Mubarakan oo uu director ka yahay Anees Bazme Mubarakan ayaa ah filim madadaalo dhameestiran leh sida loogu bartay filim sameeyahaan.

Arjun Kapoor iyo kooxda filimka Mubarakan oo ku mashquulsan xayaysiinta filimkaooda Arjun ayaa sheegay in, Ileana D’Cruz tahay qof dhib badan muuqal walbo aan wada duubaynay wax bay igu dhufan jirtay’.

Arjun ayaa sidoo kale sheegay ” aad ayaan ugu helay la shaqeynta Ileana maxaa yeelay waa qof fur furan xitaa inta aan duubista la bilaabin weykaa qosal siin kartaa sidoo kale waxaana doorkeyna u sameynay anagoo heysano qosal dagaal iyo jaceyl”.

Arjun filimka Mubarakan wuxuu ku jili doona labo wiji Karan Singh Iyo Charan Singh marka laga soo tago Arjun Iyo Ileana waxaa la hogaaminaaya Anil Kapoor iyo Athiya Shetty.

Waxaana daafaha caalamka laga daawan doona July 28 waana filima xiiso leh oo la wada sugaayo.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment