Hadaba taasi wax ay keeneysa in qalbiga ninkeeda uu dhaqaaq sameeyo maxa yeelay haweenka ma garanayaan in qalbiga iyo dhagta ay mararka qaar indhaha ay wax ka hor jeclaadaan. Waxaa laga yaabaa in haweeneydaas in ninkeeda ay kula nooleed farxad midda uga sareysa balse waxaa durbaba bilaabanaya in ay noloshii ay cakiranto oo ay wasaqoowdo , mana oga sababta taasi keentay ,
shaydaankiina goobta ayuu soo galayaa si uu dhameystiro bur burinta qoyskaasi maxaa yeelay waxa uu helay albaab uu ka soo galo . Markaasi ayuu ninkii ku furayaa mashquul ah sidii uu ku heli lahaa xeelad , waxa uuna dadaal u galayaa sidii gabartaasi ay xaaskiisa mar waliba amaaneyso u arki lahaa , waxa uu
dabal ku sameyanayaa in uu ogaado in la qabo iyo in kale ugu dambeyntii meeshii lagala xariiri lahaa ayuu helayaa , isagoo sariirta la jiifa xaaskiisa ayuu shaydaanka u sawirayaa in gabadhaas Fatiyal Axlaamka ah ay gacantiisa ku jirto , Hadaba Maxaa Xiga.
Waxa uu ninku bilaabayaain uu naco xaaskiisa , taasina waxaa u sabab ah iyada oo haweeney kale nafta uga qaaday amaanteeda , waxaadna ogataa in diin ahaan xitaa aysan wanaagsaneyn in naagtu ninkeeda naag kale u amaanto u sifeyso sida in uu arkayo oo kale , waxa uuna Rasuulkeena CSW Ka Yiri( ( Laa Tubaashir Almar`ata fatasifahaa lizoowjihaa ka `annahu Yanduruhaa.
Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:
Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Blogger Comment
Facebook Comment