Anushka Shetty Oo Hees Ku jirto Filimka Mahesh Babu Ee Bharat Ane Nenu Ku Qaadan Doonto 2 Crore

Bulsha:- Atiriishada quruxda badan ee reer koonfur Hindiya Anushka Shetty oo magac ahaan sare u kac sameysay ka dib guusha weyn ee filimka Bahubali: The Conclusion.

Anushka Shetty ayaa la sheegay in ay hees ka qaadi doonto Suldaan Mahesh Babu filimkiisa xiga ee Bharat Ane Nenu waxaana la sheegay inay ku qaadan doonto lacago qaali ah 2 Crore oo xitaa qaar ka mid atirooshinka koonfur Hindiya filimada ku qaadan.

Filimka Bharat Ane Nenu  Mahesh Babu wuxuu ku matali doona wasiir siyaasada ku xeeldheer waxaana jaceyl la wadaagi doonta filimka Kiara Advani  oo kusoo caan baxday sanadkii hore MS Dhoni: The Untold Story.

Filimka Bharat Ane Nenu waxaa director ka ah Koratala Siva halka uu maal gilin doona DVV Danayya waxaana la daawan doona bilaha ugu horeeyaan ee sanadk danbe.

Dhinaca kale warbaxintaan lama xaqiijini laakiin waa sida la hadal heeyo in Anushka Shetty hees ka qaadi doonto filimka Bharat Ane Nenu kuna qaadan doonto Crore.












Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment