Xog ka cusub dagaalka gobolka Sh/Dhexe iyo ciidamada dowladda oo…

Bulsha:- Ciidamada Dowladda Somaliya oo maanta ku dhaqaaqay qaybo ka mid ah Deegaanada Bariga Gobolka Shabellaha Dhexe, ayaa waxaa la soo sheegaya in guulo ka gaareen dagaal ay isaga horyimaaden Ururka Al Shabaab.

Ciidamada oo saakay ka kala ruqaansaday deegaano ka kala tirsan Degmooyinka Jowhar & Mahadaay, ayaa kolkii hore bilaa dagaal kula wareegay Deegaanada Cali Fooldheere iyo Qurac Madoobe, balse dagaal rogaalcelis ah oo Shabaabku ay soo qaadeen, ayay ciidamadu kula galeen Deegaanka Cali Fooldheere.

Ciidamada, ayaa waxaa la sheegay in dagaal faraha looga gubtay ay Shabaabku kula galeen Cali Fooldheere, waxaana Shabaabkii weerarka soo qaaday lagu khasbay in ay dib uga gurtaan deegaankaasi.

Wararka, ayaa waxay intaa ku darayan in Ciidamada Dowladda ay sidoo kale bilaa dagaal kula wareegeen Deegaanka Biya-cadde, oo sida la soo sheegayo ay caawa ku hooyanayan.

Sidoo kale Ciidamada Dowladda, ayaa fariisimo ka kala samaystay Deegaanada Qurac Madoobe iyo Cali Fooldheere, iyadoo dadka deegaanka ay soo dhawayn ciidamadu ugu sameeyen Qurac Madoobe.

Intii uu socday dagaalka ka dhacay Cali Fooldheere, ayaa sababay khasaarooyin kala duwan oo dhimasho iyo dhaawacba leh, inkastoo aanay weli labada dhinac ka kala hadlin.

Sidoo kale guryo dhawr ah, ayaa waxaa la soo sheegaya in ay ku gubteen hubkii dagaalka la’isku adeegsaday. Guryaha gubtay waxaa iska lahaa dadka deegaanka.

General C/laahi Cali Caanood, Abaanduulaha Ciidanka Xoogga Dalka, ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan gulufka ay maanta ka bilaabeen Bariga Gobolka Shabellaha Dhexe, illaa iyo inta laga wada saarayo maleeshiyada Al Shabaab.
General Caanood, ayaa Warbaahinta Dowladda u sheegay in ujeedkoodu uu yahay in Shabaab laga sifeeyo gobolkaasi, ayna isu furaan isu socodka gobolka.

Kolkii hore waxaa soo baxay warar sheegaya in hawlgalkani ay qayb ka yihiin Ciidamada Midowga Afrika ee Amisom, balse dadka deegaanku waxay sheegeen inaanay arag askar ka tirsan kuwa Amisom.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment