Xasidnimadu Waa CUDUR Waxey U Kala Baxdaa Intaan Oo Nooc Ka Fogoow Xasadnimada..

Bulsha:- Qofka oo aad Jeclaato inuu waayo Nicmooyinka uu Allaah siiyaya ee uu Heysto.

2. Qofka oo aad jeclaato inaad Hesho waxa uu Heysto oo kale si aad ula Sinaato. (Tusaale: Adoo Qalbiga iska dhahaayo Hebel siduu iiga Sare mari karaa).

Waxyaabaha keena Xasadka waxaa ka mid ah :-

1. Cadawtinimada,
2. Is Kibrinta,
3. Xukun jaceylka,
4. Aduunyo jaceylka,
5. Wada No lawns haha,
6- Ku tartanka Waxbarashada iwm.

Haddaba, Ogoow Xasadka inuu kuu geysanaayo Dhaawacyo fara badan oo ay ka mid yihiin:-

Ku Yeelanayo Xaasidka Waxaa Kamida :
1. Xasadku wuxuu dilaa Diinta, iimaankana wuu Qaadaa.

2. Khayrka ayuu ku Seejiyaa oo weli lama Haayo Qof Xaasid ah oo Khayr ka Muuqda.

3. Carada Eebe ayaa ku dhacda Xaasidka.

4. Qofka Xasadka Camalkiisii ayaa Tirtirma.

5. Dadka wey ku Nacaan haddaad Xaasid tahay.

6. Waa Beenaale Qofka Xaasidka ah oo Walaalkii ayuu Xantaa.

Walaalka Muslimka ahoow haddaad isku Aragto Waxyaabahaas oo kale, Fadlan waxaad Sameysaa:-

1. Allaah u Towbad keen, Intey Goori goor tahay.

2. Allaah Talo saaro oo Weydiiso Saamaxaad.

3. Ku Qanacsanoow wixii uu Allaah ku Siiyay.

4. Allaah ka Magangal Sheydaanka Sharta uu la wareegaayo.

5. Iskuday inaad u Duceysid Walaalkaaga aad Xasdeyso, una weydiis Allaah inuu u Barakeeyo Kheyrka uu heysto.

(ALLOOW XASADKA SHARTIISA NAGA QABO)
W.Q:- Macoow Ustaad.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment