War cusub: Ajaaniib ka tirsan Daacish oo Doonyo kaga soo gudbay Xeebaha Puntland (Ujeedka+Tirada)

Bulsha:- Warar lagu kalsoon yahay oo aan ka helnay ilo ku dhow dhow Hay’adaha amaanka maamulka Puntland ayaa sheegay in saacadihii ugu danbeeyay ay deegaanada maamulka soo gaaren maleeshiyaad Ajaaniib ah oo ka tirsan Daacish.

Maleeshiyaadkani Ajaaniibta ah ee gaaray deegaanada maamulka ayaa kasoo galay Xeebaha Degmada Qandala ee Gobolka Bari.

Ajaaniibtani ayaa xeebaha kaga soo gudbay Dooni nooca raaxada ah, kuwaa oo kaga sii talaabay buuraha ku yaala duleedka degmadaasi.

Maleeshiyaadkani oo kasoo kala jeeda dalalka ay colaadaha aafeeyen ee Wadamada Syria, Liibya, Yemen, Iraq iyo Pakistan, ayaa tirro ahaan gaaraya 100 ilaa 200 kuwaa oo ay wehlinayaan Saraakiil dhanka tababarada ah.

Kooxda Daacish oo Al-shabaab ka goosatay wixii ka danbeeyay 25-kii bishii October ee sanadkii 2015-ka, ayaa ku guda jirtay diiwaangashi iyo uruursi Hub iyo gaadiid dagaal oo ay kaga hortagaan dowlada Federaalka iyo maamulka Puntland.

Hogaamiyaha Kooxda Cabdulkhadir Muumin ayaa ku baaqay u diyaar garowga dagaal ka dhan ah maamulka Puntland oo uu ku sheegay inay yihiin kuwo caqabad ku ah dhaqdhaqaaqa Kooxda.
Dhinaca kale, Is uruursiga Daacishta Puntland ayaa kusoo beegmeysa xili Hogaamiyaha maamulka Puntland C/wali Gaas uu Iclaamiyay dagaal ka dhan ah Kooxaha Al-shabaab iyo Daacish.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment