Waa Maxay Sababta Ay Dumarka La Ooyaan? Ogoow Waxbadan Oo Kaa Qarsoon..

Bulsha:- Wiil yar ayaa hooyadii weydiiyay “Hooyo maxay haweenka la ooyaan? Adigana maxaad u ooysaa?!!!”. Hooyaddii ayaa ku jawaabtay “sababtoo ah waxaan ahay haweeney!”

Wiilkii yaraa ayaa yirri “warkaas ma fahmin hooyo.” Hooyadiisa ayaa laabta ku qabatay wiilkeeddii yarraa oo ku tiri “waligaa fahmi meysid hooyo arinkan”.

Intaa kuma harin wiilkii yaraa waxa uu u tagay aabihii oo uu weeydiayay “aabbe maxay haweenka la’ooyaan? Aabihii ayaa ku jawaabay “dumarka waa iska siddaa oo way isak oo yaan naagah oo dhan aya aisxak ooya sabab la’aan”.

Wiilkii kuma qancin jawaabta aabihii waa uu koray oo weynaaday waxa uu nqoday nin wax badan kala bartay laakiin su’aashi ahayd haweenka maxay la ooyaan kama bixin qalbigiisa.

Maalin maalmaha ka mid ah ayuu arkay nin xikmad badan waxa uu ku yirri “Xakiimoow su’aashaan iga shaafi aana ku weydiiyo”.

Xakiimkii ayaa yirri “adeer i weydii su’aashaada” Wiilkii weynaaday ayaa yiri “Xakimoww maxay haweenka la ooyaan?!!!”

Xakimadlihii ayaa yiri “Illaahay markuu aaburay khalqiga haweenka waxa uu Illaahay siiyay awood gaar ah waxaana la siiyay dumarka dhabar iyo awood aan la siin noolle kale waxay u dulqaadaan dhibka adduunka oo dhan,

Waxa uu Illaahay dumarka siiyay laba gacmood oo xanaano badan oo laga helo raaxo iyo daganaan waxay siiyaan ilamahooda iyo waxii la hal maala, Illaahay waxaa uu dumarka siiyay awood gudaha ah oo ay uga dulqaataan dhibka iyo rafaadka caruurta sidda dhalmada iyo korinta ubadka, waxay leeyihiin dumar awoow ah inay u soo jeedaan ilmahooda daraadii hadiiba meel laga qabto habeen oo dhan maalin oo dhan nafteeda tiisa ayay ka hormarisaa, dumara waxaa la siiyay adkeysi midka ugu weyn oo aah ugu dul qaatado dhibka kaga imaanaya wax walba oo ku xeeran sidda inay illaaliso caruurteeda ubadkeedda una fuliso wax walba oo ay karto ama yay awoodine.

“Waxay siisaa haweeney raxmad farxada xanaaneen ubadkeeda, seygeeda, walaalkeed iyo aabaheed iyo intii wax u ah iyada.”

Dumarka waxay ka sameesanyihiin naxariis wanaag aan is badalin waligii.

Hooyada waxay ubadkeeda siisaa farxad iyo wanaag aan la soo koobi karin xataa hadii uu dhibo ama ay ku dhibtooto waxay ku ilowdaa wax yar dhibka ubadkaas ay ka martay badalka dhibkana waxay siisaa jaceyl xanaano ilaalin korin iyo dhiira galin waxay ka saxdaa khalad walba illaa ay u bilowda habka hadaaqa kalmada ereyga iyo qaab u hadalka.
OOHINTA ayaa la siisaya dumarka si ay uga yareyso waxii dhib ahaa ee gaaray waana mid ay xaajo u keento.

Markii ay faraxdo wa oydaa.!!!

Markii ay dhibtooto waa ay ooyada ahaweeneyda!!!

Markii ay wax gaaran kuwa ay jeceshahay way oooydaa!!!

Xittaa haddii ay kala maqanaadaan shakhsi ay jecleed ha u ahaado wadaay walaal ama waalid wa amid oyda.

Oohintaas ay ooyda ayaa ka baabi’isa xanuun oo dhan halkaas waxay ka sii wadaa nolosheeda caadiga ayadoo farxad cusub la soo baxday.

Siddaa daraadeed waxa anagu waajib ah inaan ixtiraamnno dumarka haddii aad aragto iaydoo ooyeysa ha la yaabin ee la qeebso u muuji wanaag farxad iyo raali gelin.

Waxaadna ogaataa waxaad ku beerantay uurka haweeney koo aad ku dhex nooleed muddo waxaad cuntada uurka hooyadaa kaga dhex quudan jirtay xariga madheerta oo aad ka dhiigeysay nafaqo oo dhan markii aad soo baxdo waxaa lagaa jaaray xarigaas illaa maanta waa tan calaamada kuu ah.

“Waxaan Illaah uga baryeeynaa haweenka oo dhan wanaag kheer iyo sharaf Illaah ha dhowro haweeeney oo dhan hooyooyinkeen Illaah ha dhowro hana ka yeelo kuwa laga marti sooro janooyinka ugu sareeya ee Alle agtii ah.”

Aamiin Aamiin Aamiin.

Ogoow dumarka siiba hooyadaa waxay kuu tahay Hudheel aad cuntada ka cunto markaad baahato, cusbitaal markaad bukooto, xaflad markaad faraxsantahay, gambaleelka saacad markaad seexato oo illaa yaraantaad waxa akaa kicin jirtay hooyadaa.

Hooyadaa waxay kuu tahay duco tan ugu qaalisan ee uu Alle aqabalo. Toloow hooyo qaalisanaa Allow karaamee aduun iyo aakhiraba hooyo.

Waxaan aad ulla yaabaa guriga markaad tagto ahoow oday duq wiil ama gabar waxaad leedahay aaway hooyadeey adiga oo aan wax ka rabin!!!

Hooyada waa wadan dhan!!

Si walbood uga fogaato ha moogaan hooyadaa ka duecyso u baarinmo samee waligaa. Ilaah haka yeelo hooyadeey iyo hooyinkiinba kuwo loo danbi dhaafo Ilaaheyna u naxariisto aduun iyo aakhiraba inta nool iyo inta dhiamatayba.

Amiin Amiiin

Naxariis iyo nabad gelyo ha ahaato Nabigeena suuban Ee Maxamed ah Inta uu Aadane noolyahay kii hadlana uu hadlo xisaab aan la soo koobin karin ayaan ku salinay nabigeen s.c.w

Fikirkaada Waa Muhiim










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment