Ugaar ah Haweenka:- Infekshan ama caabuq xagga hoose ah.

Bulsha:- Waa su’aal is weydiin mudan oo u baahan in jawaba loo helo, si loo ogaado cilaldaha jira iyo siyaabaha logoa hortagi karo intaba.

5-tii haweenba oo soomaali ah 3 ka mid ah waxay ka cabataa

Inta aanan ka jawaabi su’aashaan aan ka hadalno waxay infekshanka uu yahay iyo waxa keeno marka horaba.

Waa maxay infakshanka dumarka?


Waa caabuq ku dhaca xubnaha taranka ee dumarka, waxuu saameeyaa farjiga, tubooyinka, minka iyo ugxan sidayaasha.
haddii aan la daaweyn wuxuu keenaa madhalaysnimo iyo in ay howlgabaan xubanahaas aan soo tilmaamay.

Waa cudur caan ka ah dunida, inkastoo lagu kala badan yahay waana sababta ugu horreyso oo laga hortagi karo oo madhalysnimada u keento dumarka.

Wuxuuna infakshanka aad ugu badan yahay gabdhaha qaangaarka ah iyo haweenka da’da yar.

Maxaa keeno caabuqa xubnaha taranka?
Sida eebbe ugu talagaly waxay xubanaha taranka dumarka ay leeyihiin waxyaabo ka hortaga infakshanka oo qof caafimaad qaba uusan ku dhici karin illaa in qofka uu la yimaado dhibaato difaaca hoos u dhigayso ama ku caawinayso in bakteeriyada ay taranto ama dhaawac gaarsiiyo afka minka taasoo keensanayso in bakteeriyada gudaha u gudubto.
Waxyaabaha ugu badan ee dunida keeno xanuunadaan waxaa ka mid ah cudurrada galmada la isku qaadsiiyo sida jabtada, xanuunka chlymedi-yaha, HIV-ga, isfiilitada, herbiska, honqorta cawrada iyo xanuuno kale oo halkaan aad ka akhrisan kartid:

Sababta ugu badan ee dumarkeenna u keento way ka duwan tahay waxa aan kor ku xusnay, waxaa u keeno cudur fangaska uu keeno oo loo yaqaanno cabeebka oo galo farjiga iyo agagaarkiisa, waana cudur ku yar dadka kale ee ka cabada caabuqaan.

Sababta u gaarka ah Soomaalida maxaa keeni karo?
Caabuqa cabeebka keeno ee farjiga galo waa cudur fangas ah wuxuuna ku dhashaa meelaha huurka ah oo qoyaanka u badan tahay, waxaane uu ka dhashaa nadaafad darrada iyo hawo yarida, calaamadaha u gaarka ah ee lagu garto waxaa ka mid ah in qofka uu dareemo qoyaan ama dheecaan xagga hoose ka yimaado oo cad sida labeenta caanaha oo kale, waana dheecaan ur badan oo farjiga agagaarkiisa laga dareemi karo meelaha uu gaaro, wuxuu wattaa cuncun iyo dhabar xanuun, murqo xanuun bowdyaha ah iyo caajis kalagoysyada lugaha khaas ahaan jilbaha.
Waa xanuun si aayar ah u tarmo oo qofka inuu ka sheegto waxay ku qaadataa dhowr billood sidaa awgeed qofka markaa waraysatid ka cabanayo wuxuu kuu sheegayaa in 6 illaa 8 bilood inuu caabuqaan uu dareemayay.
Wuuna soo noqnoqon karaa haddii aan la daawaynin sababta iyo xaaladda uu ky yimid.
Haddii aan u gudbo sababta u gaarka ah oo aan u kuur galay, haween badanne taladaan markay qaateen ay ku fiicnaadeen waxay tahay in haweenkeenna soomaalida ay xirtaan maro gorgorad loo yaqaanno oo lagu labisto diraca, waxay ka samaysan tahay maadada Nylone-ka waa maaddo soo jiiddo kuleelka, waxayna abuurtaa dhidid badan, hawadane kama gudubto waa sadaxda shey oo u baahan yahay fangaska caabuqaan keeno oo loo yaqaanno “Candida” inuu tarmo.

Haweenka aanan isticmaalin marada aan tilmaamay way ku yartahay xanuunka caabuqa ee fangaska keeno.

Iska ilaali xirasahda gorgoradda!!
Ma garanayo meel kale oo laga xirto maradaan, caafimaad darradeedane waa mid muuqato inkastoo dadka u baraarugo ay yaryihiin, dad badan oo ka faaiday taladaan oo joojiyay ilaahayne ugu gargaaray way jiraan, khaas ahaan dadka ka caban jiray inuusan xanuunak ka bixin oo ku soo laalaabto, talaydaydu waxay tahay in aad xiratid maro ka samaysan shay aan nylon ahayn oo hawada ka gudib karto, kuleelne keensanayin, dhididna abuuraynin, sida marada baatiga oo kale in aad gorgoro ahaan u tolatid.
Haddii marada Nylon-ka aad xarago ahaan u qaadatid, qeybta hoose wixii jilbadaha ka hooseyso goonnadaada baatiga ah ku talo qeyb gorgorad ah. (Waa fashion caafimaadka u roon!!)

Maxay tahay calaamadaha kale ee caabuqa lagu garto?
1- Xanuun qeybta hoose ee wareegga ah.
2- Kaadida oo ku gubto.
3- Qandho qarqaryo wadato.
4- Xanuun xilliga galmada.

Maxay ku kala duwan yihin caabuqaan iyo kan kaadida?
Dadka badanaa way isku qaldaan caabuqa kaadi mareenka iyo caabuqa haweenka ku dhaco.
Caabuqa kaadi mareenka waa mid ka ku dhaco kaadi heysta iyo kilyaha, waxaadne ka akhrisan kartaa halkaan qoraal ku saabsan:

Calaamadaha la dareemo way isku dhow yihiin laakiin caabuqaan wuxuu kaga duwan yahay kaliya dareemidda dheecaan ama qoyaan siyaado ah oo aan dabiici ahayn iyo cuncun farjiga ah ama nabarro ama isbadal maqaar ee ku dhaca xubnaha taranka.

Sidee loo baaraa xanuunkaan?
Dad badan ayaa aaminsan in xanuunkaan kaadida lagu ogaado, caabuqaan xubnaha taranka galo waxaa lagu ogaadaa in dheecaankaas la baaro ama dhiig lagaa baaro iyadoo la raadinayo jeermiska kuu keenay xanuunka ama lagu saaro qalabka Ultrasound-ka si loo ogaado caabuqa dhaawaca uu gaarsiiyay xubnaha taranka sida tubooyinka, ugxan sidayaasha ma aminka intaba.
Hadduu caabuqa daran yahay wuxuu takhtarka kaa qaadi karaa cad laga soo qaado minka gudihiisa.

Xanuunkaan sidee loo daaweeyaa?
Waxaa lagu daaweeyaa dhowr daawo oo antibiotic ah iyo daawo fangaska loogu tala galay ha ahaato mid la cunayo, la marsanayo ama sumboosto ahaan loo isticmaalayo.
Waa qassab in lamaanahaaga la daaweeyo haddii lagaa helo caabuqaan.
Hadduu xanuunka siyaado uu noqdo oo uu malax gashado tubooyinka ama gudaha waa in qalliin lagugu sameeyo si loo badbaadiyo fursadda ah in aad uur qaadi kartid.

Sidee looga hortagaa xanuunkaan?
Waxaa looga hortagi karaa adigoo raaca tillaabooyinkaan hoos ku xusan:
1- Jooji isticmaalka gorgoradda!! caafimaadkaaga kuma jiro waa wax cilmi ahaan loo og yahay, dheefta laga helaayo markii la joojiyane waa mid aan tijaabo iyo hubaal u hayo.
2- Ku dadaal dhadaafaddaada guud oo iska ilaali wax kasto oo caabuqa kordhin karo khaas ahaan xilliga caadada.
3- Haddii aad leedahay xanuun ka mid ah xanuunada galmada lagu kala qaado iska daaweey, lamaanahaagane daawee isagane.
3- Haddii aad doonayso in aad xakamayso uurkaaga ama aad ka hortagto iska ilaali isticmaalka qalabka lagu xiro tubooyinka wuxuu keenaa caabuq haddii aanan si nadiif ah loo xirin.
Fadlan la wadaag fariintaan gabdhaheena soomaaliyeed si ay u helaan caafimaad buuxa oo dhinaca taranka ah.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment