Shaqaalihii hab maamuuska xafiiska madaxtooyada oo la kala eryay

Bulsha:- Wararka laga helaayo xarunta madaxtooyada Somalia ayaa sheegaya in is bedelkii ugu weynaa lagu sameeyay shaqaalaha madaxtooyada, iyadoo shaqadii laga eryay 11 xubnood oo qaabilsanaa hab maamuuska  Villa Somalia.

Arrintaan ayaa dhacday kadib magacaabidii Agaasimaha cusub ee Madaxtooyada Fahad Yaasiin, waxayna wararku sheegayaan in xilka laga qaaday madaxii Protocol-ka Madaxtooyada C/llaahi Yuusuf iyo Agaasime kuxigeenkii Madaxtooyada C/llaahi Kulane oo 16-kii bishan xilkan loo magacaabay.

Sidoo kale waxaa iyana la bedelay 9 xubnood oo ahaa dhalinyaro u tababarnaa Protocolka oo ku qornaa Madaxtooyada, kuwaasoo loo bedelay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya.

Wasiiru dowlaha Madaxtooyada Khaliif C/qaadir Macalin Nuur ayaa dhalinyaradan ku wareejiyay warqada bedelka Madaxtooyada, isagoo u sheegay in amar Madaxweyne lagu bedelay.

Wararka qaar ayaa sheegaya in is bedelkan uu dalbaday Agaasimaha cusub ee Madaxtooyada Fahad Yaasiin oo 31-kii bishan xilka loo magacaabay, isla markaana uu la imaan doono shaqaale cusub oo u badan dhalinyaro.
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Agaasime kuxigeen Madaxtooyada loo magacaabi doono qof Haween ah, halka Agaasime kuxigeenkii C/risaaq Shoole uu doonayo inuu ku wareego booskii Kaaliyaha Gaarka ah ee Madaxweynaha.

C/risaaq Shoole oo saaxib dhow la ah Fahad Yaasiin ayaa dalbaday jagadan uu hada ku magacaaban yahay Maxamed C/llaahi oo ahaa ninkii waraaqaha u tiriniyay Madaxweyne Farmaajo doorashadii 8-di February.

Isbadaladan ka dhacay madaxtooyada ayaa muujineysa siyaasadda aan fadhin ee madaxtooyada oo muddo seddax bil loo magacaabay seddax agaasime.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment