Sawirro: Qoys ka soo jeeda Bay iyo Bakool oo gabar yar ay dhaleen si naxdin leh loogu dilay Laascaanood

Bulsha:- Aabaha dhalay gabadhaan yar oo lagu magacaabo  Yaxye Muudey ayaa si naxdin leh ugu hadlay gabadhiisa yar oo seddax jir aheyd, taasoo guriga laga waayay, markii danbana la helay meydkeeda iyadoo qabta dhaawacyo qoorta ka muuqda.

Warar is-diidan ayaa kasoo baxaya falkaan laga argagaxo ee ka dhacay magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, iyadoo dadka deegaanka dhacdadaan shaku iyo welwel badan ku abuuray.

Waxay dadka deegaanka sheegayeen in la qashay gabadhaan oo dhiiga laga jiqay maadaama qoorta ugu yaalaan dhaawacyo, halka arrintaasi booliska beeniyeen.

Qoyskaani oo kasoo jeeda gobolada Bay iyo Bakool ayaa Abaahaa gabadhaan sheegay in gabadhiisa habeenkii maqribkii la waayay, subaxdiina la helay meydkeeda.
Laamaha amniga ayaa wada baaritaan lagu ogaanayo sababta iyo cidii falkaan fooasha xun ka danbeysay.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment