Sawiro: Koonfur Galbeed oo gacanta kusoo dhigtay Raggii ka tirsanaa Shabaab ee geystay dilka Sheekh Caan ah

Bulsha:-  Booliska Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay, ayaa maanta Magaaladaasi ku soo bandhigay saddex ruux oo habeen hore Masjid ku yaallo Magaalada Baydhabo ku dishay nin Sheekh ahaa, kadibna baxsadeen.

Arrintan ayaa ka danbeysay howlgal ay wadajir ah u sameeyeen Ciidamada Booliska iyo kuwa Nabadsugida. Waxaa la filayaa in maxkamad la soo taago raggan.

Soo qabashada raggaan ayaa waxa ay  ku suuragashay, kadib markii Booliska ay qabteen nin ka mid ahaa kuwii dilka gaystay, kadibna ninka la qabtay uu farmuuqay labada kale, iyadoo Booliska ay gacanta ku soo dhigeen.

Nimankaan ayaa  Marxuum Sheekh Maxamed Deyr ku dhex dilay masaajid dhexdiisa, waxayna dhacadaan Baydhabo ka noqotay mid la yaab leh.
Taliyaha Booliska Gobolka Baay Col. Mahad C/raxmaan Aadan  ayaa sheegay in nimankaan lasoo taagi doono maxkamad isla markaasna ay mari doonaan ciqaab middii ugu adkeyd, wuxuuna tilmaamay inay Al-Shabaab caadadooda noqotay inay Masaajida dadka ku dilaan midaas oo uu ku tilmaamay inaysan jirin diin qoreyso.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment