Ronaldinho oo dib ugu soo laabanaya Barcelona, islamarkaana isagoo xiran maaliyadda Barça ka hortagaya Man United!

Bulsha:- Halyeyga kooxda Barcelona ee Ronaldinho ayaa lagu wadaa inuu dib ugu soo laabto garoonka Camp Nou kulanka halyeeyada ee dhici doona dhammaadka bishaan.

Xiddiga reer Brazil ayaa kaalintiisa ka qaadan doona kulanka halyeeyda Barcelona ay wajihi doonaan kooxda halyeeyada Manchester United 30 bishan June kulan sadaqo uruurin ah.

Kulan ayaa noqon doona kii ugu horreeyey ee uu Ronaldinho ku ciyaaro garoonka caanka ah ee Barcelona tan iyo markii uu ka tagay kooxda sanadkii 2008.

Waxaa Ronaldo dheer, Edgar Davids iyo Simao Sabrosa oo lagu soo daray kooxda halyeeyda Barcelona, iyadoo sidoo kale ay ka mid yihiin magacyada kale sida, Jesus Angoy, Juan Carlos, Gheorghe Popescu, Miguel Angel Nadal, Juliano Belletti, Patrik Andersson, Frederic Déhu, Edmílson, Andoni Goikoetxea, Gaizka Mendieta, Ludovic Giuly iyo Julio Salinas.

Dhinaca kooxda halyeeyada Red Devils ayaa waxaa ku jira ilaa iyo hadda inta la xaqiijiyey Jesper Blomqvist, Quinton Fortune, Karel Poborsky, Dimitar Berbatov, Ji Sung Park, Mikael Silvestre iyo Dwight Yorke.
Dhammaan wixii ka soo baxa kulankaasi oo lacag ah waxay aadaysaa xarunta ciyaalka Kansarka qaba ee Barcelona.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment