Raheem Sterling oo kaalmo gaarsiinaya dadkii ku waxyeeloobay dabkii ka kacay dhismaha Grenfell Tower ee magaalada London

Bulsha:- Laacibka garabka uga ciyaara kooxda kubadda cagta Manchester City iyo xulka qaranka England ee Raheem Sterling ayaa ku dhawaaqay inuu kaalmo tabarucaad ah gaarsiinayo dadkii ku waxyeeloobay dabkii ka kacay Grenfell Tower ee magaalada London.

Inkastoo 30 qofood ay ku dhimateen dab ka kacay dhismaha baqada Grenfell Tower oo ka kooban 24 biyaano saacadihii hore ee subaxnimadii Arbacada ayaa haddana la filayaa in dhimashadu ay intaa kasii kordhi karto maalmaha soo socda.

Sterling ayaa yaraantiisii ku koray Waqooyi-Galbeed London, isagoo ciyaarihiisa ka bilaabay garoonka kooxda Queens Park Rangers oo dhowr mayl u jira dhisamaha gubtay ee Grenfell Tower.

“Waa xaalad adag oo aad looga xumaado, taasoo qalbigeyga taabanaysa, isla markaana aan laqi la’ahay, waxaan jeclahay inaan caawiyo dadkaas inta karaankeyga ah.” ayuu Sterling u sheegay BBC Sport.

“Waa tallaabo yar, laakiin tallaabada yar waxay kugu hoggaamisaa isbedello waa wayn waa haddii dhammaanteen aan midowno oo aan isku imaanno, waxaan tacsi u dirayaa qoysaska dadkii dhibtaadu ka soo gaartay halkaas iyo dadkii guryahooda ku waayey.

Qolyaha gurmad deg degga ah ayaa sheegay in aan hadda rajo laga qabin in dhismaha dabku ka kacay laga helo dad nool oo ay nafi ku jirto.

 

Dhisamahan gubtay ee magaalada London ayaa calaamad su’aal wayn ay saaran tahay, waxaana dabaqan oo ka koobnaa 24 bilyaano ku jiray dad lagu qiyaasay dhowr boqol oo qof, xilliga uu dabku kacayey ayaana ahayd xilli habeen ah oo dadku ay jiifeen guryadooda, dowladduna waxa ay sheegaysaa in illaa iyo hadda medkooda la helay kaliya 30 qof!.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment