Rag Shabaab ka Tirsan iyo Qaraxyo ay Wateen oo Gacanta Lagu Dhigay (SAWIRRO)

Bulsha:- Dagaalyahano lagu tuhmayo inay ka tirsanyihiin ururka Al Shabaab oo watay qaraxyo dadka lagu gumaado ayaa waxaa lagu soo bandhigay Degmada Doolow, kadib markii laga soo qabtay Degmada Baled Xaawo ee isla Gobolka Gedo ka tirsan.

Wasiirka amniga Maamulka Jubbaland C/rashiid Xasan Cabdi Nuur (Janan) oo Saxaafadda u soo bandhigay raggani, ayaa sheegay in hawlgal ay sameeyeen ciidamada Nabad Suggida Jubbaland in lagu soo qabtay xubnahan Shabaabka ka tirsan.



Wuxuu sheegay ciidamada Jubbaland inay ka soo qabteen raggaan Degmada Baled Xaawo, xilli ay wateen caagado ay ka buuxaan waxyaabaha qarxa iyo aalado kale oo ay doonayeen iay dadka ku dhibaateeyaan.
C/rashiid Janan, Wasiirka amniga Jubbaland ayaa waxa kale ee uu sheegay in xubnahan Shabaabka ka tirsan ee la qabtay ay sameynaayeen qaraxyada, ayna doonayeen inay ka gaystaan Magaalada, maadaama sida uu yiri ay u suurageli wayday Banaanka Magaalada inay qaraxyo ka soo galiyaan.


Wasiirka ayuu aad ugu mahad celiyay Ciidamada foojigan ee Jubbaland, maadaama buuyiri ay fashiliyeen qaraxyadan Shabaabka ay maleegayeen.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment