Messi oo shaaciyay goorta uu aqal galayo iyo meesha xafladda arooskiisu ka dhici doonto

Bulsha:- Weeraryahanka kooxda Barcelona ee Waddanka Spain, Lionel Messi ayaa dhowaan aqal geli doona, waxaana uu guursan doonaa carruurtiisa hooyadood Antonella Roccuzzo oo ay saaxiibo ahaayeen tan iyo yaraantoodii.

Xafladda arooska Messi ayaa 30 Bishan June ka dhici doonta Hotel Pullman oo ku yaalla bartamaha magaallada Rosario ee Argentina oo ah halkii uu ku dhashay Messi, waxaana uu kireystay dhammaan 250 qol ee Hotel-kaasi leeyahay.



Laakiin illaa iyo haatan waxaa la qariyay ka soo qayb galayaasha lagu casuumay xafladdan, waloow la xaqiijiyay in dhammaan 21 ciyaartooy ee Barcelona ay casuumaad heleenn, sidoo kale dhaqaatiirta caafimaadka iyo dhammaan shaqaalaha kala duwan ee Barcelona FC ayaa xafladdaasi xaadiri doona.



Tababareyaal iyo ciyaartooy badan oo ay ku jiraan laacibiin aysan xitaa Messi isku waddan iyo isku koox ahayn ayaa la qiyaasayaa inaysan ka maqnaan doonin goobtaasi.

Antonella iyo Messi waa dhaqankoodiiye weli ma aysan is guursanin balse waxay u dhashay laba wiil oo kala ah Thiago Messi (4 jir) iyo Mateo Messi (1½).



Hotel Pullman Rosario City Center: halka lagu qaban doono xafladda arooska Messi.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment