Madaxweynihii DKMG ahayd ee Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo taageeray go’aanka dowladda ee la xariiro Khilaafka Carabta.

Bulsha:- Qoraalkan oo kasoo baxay Madaxweynihii hore ee DKMG ahayd ee Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa waxa uu u qornaa sidatan soo socota.

1: Soomaaliya cidna lama safan ee waa dhexdhexaad, waana tillaabo aan xaq u leennahay.

2: Alaabta la sheegay in Dubai laga soo dhoofiyo Imaaraatku sooma saaro ee way soo martaa uun, waxaana la heli karaa alterternatives badan. Kuna darsoo haddaad dad iska dhigto adigaa DUBAI noqon kara, lkn han iyo hiraal la imoow oo yaan reer hebel lagu habsaamay lagugu hodin.

3: Qadar sax iyo khaladba kulama colloobi karno Sucuudi iyo Imaaraat bay is maageen waayo annagu midkoodna ma nihin.

4: Wax ay Imaaraat iyo Sucuudi nagu taraan ayaa iska yar ee aan noqonno umad waxa ay rabto taqaan oo moowqif leh, tan kale inuu Imaaraatku gobollo la hadlayay annagoo xiriir la leh waxay muujinaysaa inuusan marna wax ixtiraam ah noo haynin.

5:Imaaraatku wuxuu Somalia soo galay markii uu arkay rajo laga qabo Soomaaloo wax qabsata, wuxuuna ka hortegayaa inay taasi dhacdo isagoo dekedaha Somalia u ijaaranaya si aysan kuwiisa ula tartamin, waana sheeko uu horay ugu sameeyay Yemen.



6:Ninkii Qur’aan la akhrinayo siyaasadeeyay wax aan wadaagi karno ayaaba iska yar ee ha dhegeysanin tashwiishka ay furayaan maamullada loo sameeyay inaynaan abid noqon umad meel taagan oo daneheeda raacan karta.

7:Farajka ALLE baa haya oo haddii ay insaan oo dhami u ururaan inay ku dhibaan waxba kaa qaadi maayaan haddaan ALLE la jirin.

FG: Waxaan qaadannay go’aan taariikhi ah oo RAGANNIMO ah ee isku kalsoonaada, midna iga qora, Carabtu qofkii iska dhiciya iyo kii daba dhaqe u noqda waxay qiimaysaa midka iska dhiciya.

Madaxweynahii horee ee somalia.

Shiikh Shariif Shiikh Axmed









Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment